Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa jawaab ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay Masuuliyiinta Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, oo difaacay khudbad sannadeedkii uu Madaxweynuhu ka horjeediyey Golaha Barlamaanka, waxaanu tilmaamay in aanay iyagu xogogaal u ahayn xaqiiqada dhabta ah ee jirta.
Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa dib u dhaca Doorashada dusha ka saaray Xukuumadda, isaga oo sheegay inay muddo dheer ku hawlanayd sidii ay Doorashadu dib ugu dhici lahayd, waxaanu tilmaamay in marka la gaadho muddo xileedka uu ku eeg yahay jiritaanka Xukuumaddan inay ka tashan doonaan, isaga oo sidoo kale xusay inay baqo ka qabaan sidii ay Xukuumaddan Doorasho dalka ugu qaban lahayd, waxaanu tusaale u soo qaatay Doorashooyinkii Golaha Deegaanka.
Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa sidoo kale ka hadlay wada tashigii uu Madaxweynuhu soo jeediyey iyo masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani oo la weeraray, dhaawacyana la gaadhsiiyey, waxaanu tilmaamay inay dhawaan soo bandhigi doonaan cidda weerarka fulisay, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Madaxweynuhu waxa uu sameeyey waajibaadkiisi ahaa inuu labada Gole hor yimaado, laakiin nasiib daro waxyaabihii looga baahnaa ee Umaddu ka sugaysay muu taaban, si cad iyo si faah-faahsan midna ugamuu waramin, tusaale ahaan sida Sicir-bararka iyada oo Maanta Umaddu waxa ay cunta ay ladahay, oo ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Maanta dalkeena ka taagan, kuwa khudbadii Madaxweynaha difaacayna difaac indho la’aan ah ayey difaacayaan, oo xaqiiqada jirta ma oga, siiba Kulmiye oo warba iyagu ma hayaan, ee inay iska aamusaan ayey runtii ahayd, haddii aanay toosin karin, ”.
Xoghayaha Xisbiga Waddani ayaa mar uu ku eedayey dib u dhaca Doorashada Xukuumadda ayaa yidhi “Dib u dhaca Doorashadu Xukuumaddu muddo dheer ayey ku hawlanayd, halkii ay horumarka dalka ka fikiri lahayd waxa ay muddadaas dheer ku fikiraysay inay sameeyso farsamo la yidhaahdo dib u dhac, halkii ay ka leeyiihin Doorashadu farsamo ayey dib ugu dhacday, iyaga ayaa sameeynayey farsamo ay yidhaahdan Doorashadii dib ayey u dhacday, laakiin wax farsamo ah oo dib u dhacday ma jirto, ee dib u dhaca Doorashada ee Maanta jirta waa intaas Komishanku ay ka soo gaadheen, ee waxa ay doonayeen in muddo dheer wadaan, wax suurtagalayna maaha runtii”.
Uur-cadde mar uu ka hadlaayey Doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee Xukuumaddani qabatay iyo dhibaatooyinkii ka dhashay ayaa yidhi “Mid ayaanu ka warwarsan ahay, oo waxa la ogaa dhibaatooyinkii ka dhacay Doorashadii Golayaasha Deegaanka, ee Xukuumaddani qabatay, sida Xukuumaddani u sameeyan karto Doorasho xor iyo xalaal ahna, oo Madaxtooyo iyo Barlamaan ku tartamaan, baqo weyn ayaanu ka qabnaa runtii, oo waxa aanu ognahay dhibaatooyinkii ka dhacay Doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee ay hore u qabatay”.
Xoghayaha Xisbiga Waddani ayaa mar uu ka hadlaayey jiritaanka Xukuumadda marka la gaadho 26-june ayaa waxa uu yidhi “Waxa aanu jecelnahay in marka la gaadho 26-june, inay Umaddu isku timaado oo ay tashato, oo cidii Doorashada gaadhsiin lahayd inay isku raacaan laakiin muddo kordhin dambe oo dhacaysa ma jirto”.
Xoghayaha Xisbiga Waddani ayaa mar aanu waxa ka weydiinay sida uu arko wada tashigii uu Madaxweynuhu ku baaqay waxa uu ku jawaabay “Anagu waanu soo dhawaynaa wada tashigaas, Xukuumadduna wey ku qasban tahay, maxa yeelay sharciyan wakhtigii Xukuumaddan la doortay waxa yar ayaa ka hadhay, waxayna ahayd in lagu abaalmariyo sida oo loola dhaqmo sida uu sharciga dalku dhigayo, haddii ay wada tashi yidhaahdeena waxba kama qabno oo wixi waajib ah ayaa laga yeelaya, anaguna haddii aanu nahay Waddani dalkan nabadgeliyadiisa iyo horumarkiisa ayaa wax walba nagala weyn, laakiin ha ogaadan inay ku fashilmeen xilkii loo dhiibay, oo ka mid ah Doorashooyinka wakhtigoodii ku qabtaan”.
Xoghayaha Xisbiga Waddani ayaa mar uu ka hadlaayey Masuuliyiin ka tirsan XIsbiga oo weeraro loo geystay ayaa yidhi “Runtii wey jiraan Rag la dhawaacay, oo ah Masuuliyiin Xisbiga ka tirsan, wax badan oo caddaan ahna waanu ahaynaa, waana soo bandhigi doonaa dhawaan sida ay wax u dhaceen, sida ay wax u jiraana wakhtigeeda ayaanu sheegi doonaa”.