New York (Geeska)- Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Ban Ki Moon ayaa si adag uga digay halis warwar abuuraysa oo uu sheegay in ay ka hortimid guulihii laga gaadhay nidaamka dimuqraadiga ah ee heer caalami. Qoraal uu xoghayuhu ku beegay munaasabadda maalintii caalamiga ahayd ee xuquuqda aadamaha ayuu ku yidhi, “Meelo kala duwan oo dunida ah ayaa aynu ka aragnay khataro warwar abuuraya oo ka hor yimi guulihii dirqiga ahaa ee laga gaadhay dhinaca xukunka dimuqraadiga ah” Isaga oo intaas ku daray in ururrada bulshada rayidka ah ee dalalka qaar ay cadaadis badan iyo xayiraado soo xoogaysanaya la kulmayaan iyo in ay soo kordhayaan dalalka dunida ee dejinaya xeerar lagu cabudhinayo ururrada bulshada rayidka ah, shuruucdaas oo ah kuwo meesha ka saaraya suurtogalnimada in ay si habsami ah u shaqeeyaan ururrada bulshadu.
Xoghayaha guud ee Qarmada midoobey waxa uu qoraalkiisaa ku sheegay in dadka arrimaha dimuqraadiyadda u ol’oleeya ama taageeraa ay la kulmayaan caqabado hor leh isaga oo dareenkiisa arrintaa ku aaddan iftiiminayana waxa uu qoraalkiisan ku yidhi, “Waxaa dhammaanteen innagu waajib ah in aynu dareenno warwarka ka dhalanaya dib-u-noqoshadan ku timid dimuqraadiyadda”
Xoghaya guud ee Qaramada midoobey waxa uu bulshada caalamka iyo nidaamyada ka jira dunida xasuusiyey in baaqa caalamiga ah ee xuquuqal insaanku uu qof kasta xaq u siinayo in uu sheegi karo aragtidiisa, iyo in uu qayb ka noqdo go’aamada saamaynta ku leh bulshadiisa, labadan qodob oo uu sheegay in ay sidoo kale ku cad yihiin qaanuunka caalamiga ah, gaar ahaan qodobkiisa 25aad ee khuseeya axdiga caalamiga ah ee xuquuqda madaniga ah iyo ta siyaasiga ah.
Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey waxa uu sheegay in Qarnigii hore horumar aan cidi dafiri karin ay dunidu ka samaysay waxa uu ugu yeedhay jidka daryeelka iyo dhowrista xuquuqda, laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay in ay jiraan kooxo iyo shakhsiyaad aan tiro lagu soo koobi karin oo ay ka hor yimaaddeen caqabado tiro badan oo ka xannibaya dimuqraadiyadda.
Hadalka xoghaya guud ee Qaramada midoobey uu ku beegay munaasabadda 10ka Diisambar oo sannad kasta la xuso soo bixisitii baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamuhu, waxa uu sannadkan ku soo beegmay xilli ay dadka reer Somaliland dareemayaan hoos u dhac muuqda oo ku yimi nidaamkii dimuqraadiyadeed iyo xorriyaddii muwaadiniinta oo caqabado badani ay kaga imanaya dhinaca xukuumadda Somaliland.
Waxa ay dad badani dareensan yihiin in warbaahinta madax-bannaan oo astaan u ah xoriyadda hadalka ee caalamiga ahi ay cabudhin iyo caga juglayn tiro badan kala kulantay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo oo labadii sano ee ay talada haysay la gashay dagaal adag, haddana isu diyaarinaysa in ay soo saarto xeer laga baqo qabo in uu noqdo mid u danaynaya tallaabooyinkeeda cabudhinta warbaahinta oo ay ku beddelayso xeerka 2004ta ee warbaahinta xorta ah ka yaallay.
Waxaa iyaduna tan soo raacda niyad jab baahsan oo muwaadiniintu ka qaadeen doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dhowaan ka qabsoomay dalka oo ahaa kuwii ugu horreeyey ee uu madaxweyne Siilaanyo qabto intii uu talada hayey, dad badan ayaana ku doodaya in qaabka muranka badan dhaliyey ee doorashooyinkaasi u dhaceen hoos u dhac ku tahay dimuqraadiyadda tan iyo bilowdii la soo noqoshada madax bannaanida ee Soomaaliland sida fiican u soo koraysay, isla markaana ay tahay muraayad laga dheehan karno sida ay u ekaan karaan doorashooyinka kale ee dhici doona muddada uu madaxweyne Siilaanyo xilka hayo.