Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriiska oo soo dhoweeyey wada hadalada taariikhiga dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya

0
643

 

 

ForeigLondon, (Geeska/FCO)- Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriiska William Hague ayaa cadeeyey inuu ku hanbalyeynayo Xukuumada ku-meel-gaadhka Soomaliya iyo Somaliland go’aamada ay ku gaadheen aqalka Chevening shalay.

 

Sida lagu baahiyey barta wasaarada arrimaha dibeda Ingiriiska, wakiilo ka socda Somaliland iyo Soomaaliya ayaa wada hadalo laba maalmood ah ku yeeshay London, ujeedada wada hadaladaa, oo markii ugu horeysay noocoodu dhacaan ayaa lagu sheegay inay ahayd qaabaynta qorshahii wada hadalo midh-dhal ah mustaqbalka, dalabkii labada dhinacna, kulankaa waxa fudueeyey Ingiriiska oo la kaashaday Norway iyo Midowga Yurub.

 Xoghayaha arrimaha dibedda Ingiriiska William Hague, ayaa sheegay, “Waan ku hanbalyeynayaa xukuumada ku-meel-gaadhka Soomaaliya iyo Somaliland go’aamada ay ku gaadheen aqalka Chevening shalay. Waxaan rajeynayaa in wada hadaladani muhiim u yihiin habka lagu cadeynayo xidhiidhkooda mustaqbalka iyo gaadhitaanka xasiloonida, amaanka iyo nabadgelyada gobolka. Waan ku bogaadinayaa labada dhinac doonistooda inay sii wadaan wada hadalada isla markaana iska kaashadaan dhinacyada danaha guud. Waan ku faraxsanahay in Ingiriiska, Norway iyo Midowga Yurub awoodeen inay hirgeliyaan balanqaadyadii shirkii London iyo Turkiga ee taageerida wada hadalada labada dhiinac. Ingiriisku wuu sii wadi doonaa kala shaqeynta beesha caalamka inay taageeraan sidii wada hadaladan muhiimka iyo taariikhiga ah u sii socon lahaayeen,”