Xisbullah Oo Xaqiijisay In Hoggaamiyehoodii Xasan Nasrallah La Dilay

0
30

Lubnaan (Geeska) – Xisbullah ayaa Sabtidii Shalay xaqiijisay in Hoggaamiyehoodii Sheekh Xassan Nasrallah la dilay, waxaana warkan xaqiijinta ah uu yimid ka dib markii militariga Israel uu sheegay ay Nasrallah ku dileen duqeyn ay ka fuilyeen Beirut.

Dhimashadiisa ayaa dhabarjab xun ku noqonaysa Xisbullah oo wajahaysa ololaha sii kordhaya ee weerarada kaga imanaya Israel. Waxa ay sidoo kale dhabarjab weyn ku tahay Iran, taasi oo dowrka weyn ku leh kooxaha ay taageerto ee loogu yeero “kooxaha wax iska caabinta.”

Hisbullah ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Israel “iyagoo garab siinaya Gaza iyo Falastiin, iyo difaaca Lubnaan iyo dadkeeda sharafta iyo karaamada leh”. Ma aysan sheegin sida loo dilay Nasrallah.

Milateriga Israel ayaa mar sii horreysay sheegay in Nasrallah

Jimcihii doraad lagu dilay “weerar lala beegsaday” xarunta kooxda oo ku hoos taal dhismo la deggan yahay oo ku yaalla Daaxiyeh – oo ah duleedka koonfureed ee Beirut oo ay maamusho Xisbullah.

Waxa ay sheegtay in lala dilay hoggaamiye kale oo sare oo ka tirsan Xisbullah, Cali Karaki iyo taliyayaal kale.

Weerarkii cirka ee Jimcihii lagu qaaday Daaxiye ayaa ruxay Beyruut. Ilo dhanka ammaanka ah oo ku sugan Lubnaan ayaa sheegay in weerarka oo ahaa qaraxyo xooggan oo is xigxigay ay goobta ka qodeen god ugu yaraan 20 mitir ah.