Xisbiyada Mucaaradka Oo Kulamo La Yeeshay Guddigii Guurtidu Muddo Kordhinta U Saartay

0
532

Picture2Hargeysa(Geeska):-Gudidiii ka soo talo bixinta muddo kordhinta loo samaynaayo xukuumada madaxweyne Siilaanyo ee golaha Guurtidu u saareen dib u dhaca ku yimi doorashooyinka Somaliland oo la filaayey in ay badhtamaha sanadkan ka qabsoomaan dalka, ayaa kulamo la qaatay axsaabta mucaaradka ee Waddani iyo Ucid, waxaana ay wax ka weydiiyeen arrimo la xidhiidha dib u dhaca ku yimi doorashooyinka aqalka madaxtooyada iyo golaha wakiilada Somaliland iyo sida oo kale go’aankii ay soo saareen Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, oo markii kulankaasi soo dhamaaday ugu horeyn warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee aqalka golaha Guurtida, ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyey waxyaabaha ka wada hadleen gudida golaha Guurtida, waxaana uu sheegay in ay kala hadleen go’aankii ay soo saareen Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in ay u sheegeen in go’aankaasi ahaa mid la’ isku waafaqsan yahay sidaas awgeedna aanay ahayn in la sii wad wado.

"Marka hore waxa aan uga sheekaynay xaalada guud ee siyaasadeena dibada iyo arrimaha gudaha waxyaabaha in hortaagan ee innagu xeeran, gaar ahaan baahida loo qabo in dadka la mideeyo, waxaana aanu ku soo gunaanadnay in maadaama maanta wakhti la cayimay oo Komishankii wax loo diray uu cayimay in wax laga dooda aanay jirin oo dee ay tahay uun in arrintaas la xalaaleeyo, lagu duceeyo, laguna dhaqaaqo. mudadaas ka hadhay doorashadana waxii qabyo ah sidii loo qabyo tiri lahaa in lagu dhaqaaqo weeyaan, marka looma baahnaynba shir danbe iyo in wada tashi laga galo, barigii hore ee aan wada tashiga gali jirnay wakhtigu ma' cayinayn laakiin hada wakhtigii waa la cayimay, maalin kastana waa la cadeeyey wax la qabanaayo cid arrinta wax kale ka muujisay may jirin xisbiyada qaranka, marka maanta looma baahna in guurtidu ay kolba cid kala tashato. Marka waxaa aan ka codsaday in ay iyaguna sharaftooda illaashadaan, magac ayaana ay ku leeyihiin aduunka oo waxaa la yidhaahda Somaliland iyo Somaliya waxa isdhaafiyey waa Guurtida.".Ayuu yidh Eng.Faysal Cali Waraabe.

Xoghayaha warfaafinta golaha Guurtida Somaliland Muj.Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa isna waxaa uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyey qaabka uu u dhacay kulankii ay la qaateen golaha Guurtida Somaliland."Waxaanu ka soo baxnay shir kooban oo muddo saacad ka badan ka socday hoolka weyn ee shirarka golaha Guurtida, guddoomiyaha golaha Guurtidu hal su'aal ah ayaa uu na weydiiyey in ay xisbigii kale ee Ucid ay arkeen oo intan aanu nahay ka koobnaa, Soddan ayaanu ku maraynay meesha, gudi u dhiganta gudida na waraysanaysay ayaanu ahayn, hadalku waa uu noo qaybsanaa dabadeedna su'aashaas ayaa nala weydiiyey ee arrinka maanta, waxaanu u qaadanay rag iyo dumar ayaanu ahayn, garabkii haweenka ayaa fadhiyey, kii dumarka ayaa joogay, hogaankii ayaa fadhiyey, gudidii fulinta ayaa fadhiday, waxaana aanu su'aasha maanta u qaadanay maalintan Komishanku uu cayimay iyo hadalada ka taagan. Hadal ka taagani ma jiro waa hadal la abuuray oo samays ah oo ay doorasho diidku abuurayaan, laakiin Komishanku markay maalintii ku dhawaaqeen waxaa ay la soo tashadeen axsaabta qaranka waana ay ku raaceen, madaxweynaha waa uu isna ku raacay, waxaa loo yimi dad weynahii, waa ay ku raaceen, beesha caalamkuna waa ay ku raaceen. Maalinta heshiis ayaa lagu ahaa, maantana heshiis ayaa lagu yahay.".Ayuu yidhi Muj.Boobe Yuusuf Ducaale.