Xisbiga Waddani Oo Qaabilay Taageerayaal Miisaan Leh Oo Reer Gabiley Ah

0
564

waddanigaHargeysa(Geeska):-Munaasibad soo dhawayn ah oo loo sameeyey taageerayaal miisaan culus ku lahaa Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE oo ku soo  biiray Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ka soo jeeda gobalka Gabilay ayaa shalay lagu qabtay magaalada Gabiley. Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI,Hogaanka Sar sare ee Xisbiga WADDANI,Taageerayaasha ku soo biiray,Haween,dhalinyaro iyo Marti sharaf kale oo aad u tira badan. Ugu horeyna waxaa munaasibadaasi ka hadlay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobalka Gabiley,waxaana uu ugu horeyn si aada u soo dhaweeyey taageerayaasha aadka u tirada badan ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI "Waxaan u mahad celinayaa dhalinyarta reer Gabilaye,waxaa mahad iska leh Haweenka reer Gabiley ee sida fiican noo soo dhaweeyey,waxaa mahad iska leh Odayaasha reer Gabiley iyo wax kale oo aan u mahad celinayaa Masuuliyiinta iyo dadka kale ee qiimaha badan leh ee ka qayb qaatay hawshan qiimaha badan leh.Waxaa maanta Xafladan loo qabtay oo barnaamijkan loo sameeyey waa dhalinyarta Gobalka Gabiley ee ku soo biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,Dhalinyarta ku soo biirtay Xisbiga WADDANI awgeed ayaa maanta hogaankii Xisbiga WADDANI oo dhan ay halkan u yimaadeen sidii ay u soo dhawayn lahaayeen.waxaana dhalinyareey Xisbigu si aada ugu faraxsan yahay ku soo biiri taanka aad ku soo biirteen,Haweenku hore ayaa ay ugu soo biireen,doorkoodana waa ay ka ciyaaraan,markastana kaalintooda waa ay muujiyaan,Maanta se dhalinyarta ku soo biirtay Xisbiga WADDANI ayaanu si aada u soo dhawaynaynaa".Ayuu yidhi guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobalka Gabiley. Maxamed Nuur Mooge (Shabeel) oo ku hadlaayey afka dhalinyarada ku soo biirtay Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay ku biiraan Xisbiga WADDANI,waxana uu carabka ku dhuftay in ay marwalba ay la barbar istaagi doonaan waxii taageero hiil iyo hooba leh. "Ururka Horseed waxaa uu ka mid ahaa Ururkii soo saaray Xisbiga KULMIYE ee abaalkoodii ka dhigay rasaas,Ururkaasi maanta waxaa uu diyaar u yahay in aanu taageerno Xisbiga WADDANI.Waxaana aanu maanta halkan si balaadhan ugu soo dhawaynaynaa guddoomiyaha ahna Madaxweynaha Mustaqbalka dhaw,ku soo dhawaw ayaanu ku leenahay Madaxweyne Gobalka,Ururka Horseed waxaa uu ka kooban yahay dhamaanba Xubnihii muhiimka ahaa ee soo saaray Xisbiga KULMIYE xiligii dorashada,kadib markii aanu ku hungownay Xisbiga KULMIYE-na waxaanu go'aan sanay in aanu ku soo biirno oo aanu codkayaga iyo cududayadaba aanu ku muujino Xisbiga WADDANI"Ayuu yidhi Mr:Maxamed Nuur Mooge (Shabeel)

Guddoomiyahii dhalinyarada gobalka Gabiley ee Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE Mr:Subeer Maxamuud Xasan oo ka mid ahaa dhalinyaradii ku maanta ku soo biirtay Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in ay ka soo baxeen Xisbiga KULMIYE isla mar ahaantana ay maanta ku dhawaaqayaan in ay ku biiraan Xisbiga WADDANI."Marka hore waxaan salaamay Madaxweynaha Mustaqbalka ee Xisbiga WADDANI,taa kadib waxaan ahaan jiray guddoomiyihii garabka dhalinyarta ee Xisbiga KULMIYE,waan kasoo baxay aniga iyo intii i raacsanaydba oo waxaanu maanta laga bilaabo aanu ku soo biirnay Xisbiga WADDANI,aniga oo ku hadlaya afka dhalinyarta ahna guddoomiyaha dhalinyarta gobalka gabilay,waxaan si mug iyo miisaanba leh aan uugu biirnay Xisbiga WADDANI"Ayuu yidhi Subeer Maxamuud Xasan Mid ka mid ah Oday dhaqameedka gobalka oo isna halkaasi ka hadlay aya waxaa uu yidhi”"Guddoomiyaha iyo madaxda kale ee la socota waxaan leeyahay dhamaantood halkani waa xaafadiinii,waa hoygiinii ku soo dhawaada,waxaan kale oo aan ku faanayaa aqoon yahankii,dhalinyaradii iyo mustaqbalkii gobalka gabilay oo maanta indhaha kala furtay,waxa guddoomiye na horfadhiyaa waa aqon yahankii,wax ay dareemeen baa jira,waxa reer gabilay maanta wada ee halkii la ogaa ka keenay wax daaran baa jira oo halkuu maray mudankeedii ayaa ay ogtahay,waxii la badayna waa ay ogtahay,waxaa ay maanta gabilay ka dharagsan tahay oo ay ogtahay haldoorkeedii halka lala maray mee maxamed Xaashi Cilmi,Mee qalinkii afka dheeraa Md:Boobe Yuusuf Ducaale qoraagii waynaa ee Somali oo dhan taariikhdeeda hayey,mee Maxamed Cumar,Mee Sameecadii Maroodi Jeex iyo Gobalada Galbeedka oo dhan toosisay Xamarje abaaloow iska ba'a waxaas oo dhan ayaa ay tabanayaan reer Gabilay" Dhanka kale waxaa iyagun munaasibadaasi ka hadlay Siyaasi Aadan Ruush,Xildhibaan Baar Siciid,Xildhibaan Tukaale,iyo sida oo kale guddoomiyaha Afaraad ee Xisbiga WADDANI,waxaana ay dhamaantoodba iska daba mareen in ay si aad u soo dhawaynayaan dhalinyarada ku soo biiray Xibsiga WADDANI,waxaana ay tibaaxeen in ay Xisbiga WADDANI uu waxbadan ka qaban doono dhamaanba baahiyaha kala duwan ee ay tabanayaan,waxaana ay sheegeen in Xisbiga WADDANI uu wehelka koowaad u noqon doono dhalinyarada maalinba maalinta ka danbaysa ku sii gurmaaya badaha waaweyn.

Ugu danbayntiina waxaa munaasibadaasi soo afmeeray guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaana uu sheegay in u si aad u soo dhawaynaayo dhalinyarada ku soo biirtay Xisbiga WADDANI isaga oo carabka ku dhuftay in Xisbiga WADDANI uu u furnaandoono dhalinyarada ku soo biirtay.

"Dhamaaba reer gabilay aad ayaan u salaamaya,waxaan uga mahad naqayaa soo dhawaynta diiran ee ay noo sameeyeen,waxaanan si aad u soo dhawaynaynaa dhamaanba taageerayaasha kala duwan ee Xisbiga ku soo biirtay,waxaana aan ku soo dhawaynayaa gacmo furan iyo qalbi furanba dhalinyarada tirada badan ee maanta goostay in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI,waxaanan idin leeyahay Xisbiga Al-baabadiisa iyo daaqadihiisa meel waliba waa ay idiin furan tahay"Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).