Xisbiga Waddani Oo Kulmiye Ku Eedeeyey In Ay Ka Noqdeen Doodi Difaaca Qaranka Oo Loo Qabanayey Saddexda Xoghaye Guud Ee Axsaabta Somaliland.

0
63

Hargeysa(Geeska)Xisbiga Waddani oo Kulmiye ku eedeeyey in ay ka noqdeen Doodi Difaaca Qaranka oo loo qabanayey

Saddexda Xoghaye Guud ee Axsaabta Somaliland.

“Siyaasaddu waa dood, isqacin iyo in aad dadweynaha iyo daneeyeyaasha kale ee qaranka u soo bandhigi

karto siyaasadahaaga iyo aragtida aad ku salaynayso go’aamadaada.

Waxa aan ka xumahay in lanagu wargeliyey in Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE uu ka nogday ka

qaybgalka, dood ku saabsanayd ‘Difaaca qaranka’ oo ay aqoonyahan muwaadinin ahi u soo agaasimeen

saddexda Xoghayhe guud ee Xisbiyada qaranka , horrena uu KULMIYE u aqbalay.

Waxa ay ka marag kacaysaa, marka laga tago ereyga Qarankaannu difaacaynaa’ in KULMIYE aanu aragti iyo

faham ka haysan difaaca garan ee uu doonayo, iyo sida uu doonayo in uu uga midho dhaliyo, si aanay u dhicin

dhibaatadi ay farsamo xumadiisu hore u sababtay.

WADDANI waxa uu ku kalsoonahay in difaaca qaranka uu saldhiggiisu yahay dib u midaynta muwaadiniinta uu

KULMIYE kala irdheeyey. Waayo, Qaran gudaha ka midaysan baa iska difaaci kara, cadow dibadda kaga yimi.

Waxa aannu weli diyaar u nahay, in aannu xisbiga KULMIYE dood dadweynaha hortiisa ah kala yeelanno

aragtidayada difaaca qaranka, iyo ilaalinta qarannimada oo ah tiirka Koowaad ee barnaamij siyaasadeedkayaga.” Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi