Hargeysa(Geeska):-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Axmed Muumin Seed ayaa si adag uga hadlay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Dawlada Somaliya Md:Xasan Sheekh Maxamuud,kaas oo sheegay in Gobalada Sool iyo Sanaag ee Somaliland ay ka tirsan yihiin Somaliya.Waxaana uu Xukuumada ku canaantay jawaabid la’aanta aanay illaa hada ka jawaabin hadalka Madaxweynaha Somaliya oo uu sheegay in uu qaranka lidka ku yahay.
Md:Axmed Muumin Seed oo shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in Maanta dhibaatada Xasan sheikh ay haysata ay tahay mid ku filan oo aanu dhibaato la soo doonanin Qaranka Somaliland,isaga oo carabka ku dhuftay in Qaranka Somaliland ay shacabkodu aanay cidna u daba fadhiisan doonin gooni isu taagooda iyo midnimadoodaba.
"Runtii waxaan doonaynaa in aanu ka jawaabno kalmad uu ku celcelinaayo baryeyahan danbe Madaxweynaha Somaliya,Markaa waxaa uu ka dhawaajiyey in Sool iyo Sanaag ay kamid yihiin Somaliya,haddii aanu nahay Xisbiyada qarankana illaa markii uu hadalka yidhi waxaanu sugaynay in ay Xukuumadu ka jawaabto arrintaas,waana ay ka jawaabi waayeen,mar haddii ay ka jawaabi waayeena waa talo qaran oo anaga ayaa ay nasoo gaadhay,in aanu ka jawaabno,runtiina waxaanu u sheegaynaa Madaxweynaha Somaliya,Somaliland waa qaran jira oo madax banaan,haddii uu qalelaase iyo dhib uu doonayo Madaxweynaha Somaliya,waxaan leeyahay inta maanta adiga ku haysata ayaa dhib kuugu filan,shicibka reer Somaliland-na waa qaran aan go'itaankooda iyo gooni isu taagooda aan cidna u daba fadhiisanayn,taana waa in aad garawsataa"Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed
Md:Axmed Muumin Seed waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay hadal ka soo yeedhay qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada Siilaanyo ee ka soo jeeda Gobalka Awdal oo hadalo dhaleecayn ah hawada u mariyey Madax-dhaqameed ka soo jeeda Galbeedka Magaalada Burco oo todobaadka ka hor socdaal ay kulamo kula yeesheen Madax-dhaqameedka Gobalka Awdal ay ku tageen Magaalada Boorama,waxaana uu sheegay in uu ka hadalkii ay Wasaaradaasi ku ganeen Madaxdhaqameedkaasi uu ahaa mid meel ka dhac ku ahaa sumacada iyo xushmada Madax-dhaqameedka Somaliland.waxaana uu sheegay in uu raali gelin ka bixinaayo.
"Arrinta kale waxaa Xalay(Habeen hore)warbaahinta laga sii daayey,Wasiiro Xukuumadu ay u dirtay Gobalka Awdal,si ay Xuuraan iyo xal ugu helaan,dee Xukuumad kastaa waxaa ay leedahay oo gobal marka la yidhaahdo dhaqdhaqaaq Siyaasadeed ayaa ka jira waa in ay u dirto,waxaana ay runtii Xukuumadu wasiirada u dirtay in ay ka midho dhaliyaan,oo gobalka Siyaasadiisa,Xaaladiisu halka ay marayso iyo Cod in ay raadiyaan ay ugu dirtay.runtiina waa wax ma tarayaal Wasiiradaasi oo markii la dhagaysan waayey ee Salaadiintii Gobalka iyo Dhalinyartii Gobalkuba ay dhagaysan waayeen ilayn waanu joognay anaguyee oo Xalay ayaan ka soo guryo hawday oo walaahi in aanu ku jirin nin Wasiirada Caaqilkiisa la kulmay,Markaasay deedna ay wax ka sheegeen Salaadiintii Somaliland ee dee u tagay Awdal Marti qaadka ay ka heleen dhigooda ka heleen ayaa ay wax ka sheegeen oo taasina waa Ceeb.Waxaanu leenahay Qaranka Somaliland ma kala qoqobna,qaranka Somaliland waa isku mid Salaadiinta Awdalna Ceerigaabo iyo Gabilay waa ay tagi karaan,kuwa gobalada kalena Awdal waa ay tagi karaan,arrinkaas waxaanu leenahay waa arrin gef ku ah qaranimadeena waa arrin gef ku ah dhaqanka Salaadiinta,waa arrin meel kaga dhacay shicibka reer Somaliland dhamaantoodba.oo Maanta aad laysku waydiinaayo.markaa haddaan ahay guddoomiye ku xigeenka WADDANI arrinkaa Wasiirada ka soo yeedhay Xaalka ugu horeeya aniga ayaa ka bixinaaya"Ayuu yidhi Md:Axmed Muumin Seed.