Xisbiga WADDANI Oo Digay In Xukuumaddu Culays Ku Saarto Saxaafadda Bixinta Cashuuro Aan Sharcigu Jidaynin

0
543

Guddoomiye Cirro wuxuu ka hadlay Diwaangelinta Maanta Dalka ka bilaabmaysa

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka hadlay Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka oo Axadda Maanta ka bilaabmay 7 Degmo doorasho oo ku kala yaalla Gobollada Awdal iyo Marood-jeex.

Guddoomiyuhu wuxuu Shacabka u soo jeediyey inay ka faa’idaystaan fursadda la siiyey ee ah inay qaataan kaadhadhka Cod-bixinta oo Muwaadiniintu dhammaantood xaq u leeyihiin inay helaan.

Guddoomiyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maanta waxaynu soo gaadhnay Albaabkii doorashada, diwaangelintu waa Muftaaxa in doorasho xor iyo Xalaal ahi dalkan ka dhacdo. Doodo dhaadheer, Wada-hadal badan, Gar-naqsi iyo kala duwanaansho Ra’yi ka dib, waxa dalkan ka abuurmay jewi doorasho, doorasho isku sidkan oo ah Doorashada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka, taasi oo noqonaysa markii ugu horraysay ee aynu laba doorasho wada-qabano.”

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu sheegay “In Diwaangelin timaaddo oo ay Doorasho timaaddo Shacabka reer Somaliland in badan bay ka foolinayeen, Maanta deegaan kasta oo reer Somaliland ah waxa hor-yaalla fursado badan, fursadahaas oo ah inay helaan Kaadhka Cod-bixinta, waxa hor-yaalla in Muwaadinku uu degmada uu doono u beddelan karo, fursadahaasi wakhtigay jirayaan way kooban yihiin, waxaana waajib ah in deegaan kasta iyo Dadkiisuba ay ka faa’idaystaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Sidaad ogtihiin waxa Maalinta berri ah (Maanta) dalka ka bilaabmaysa diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, waxay ka bilaabmaysaa 7 Degmo Doorasho oo ka mid ah 23-ka degmo Doorasho ee dalku ka kooban yahay, degmooyinka ay ka bilaabmayso waa degmada Boorama, Lughaya, Saylac, Baki, Gabiley, Baligubadle iyo Degmada Sallaxley.”

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay doorka Saxaafaddu ugu jirto Qaranka iyo sida loogu baahan yahay inaan Xukuumadda Talada haysaa Cadaadis saarin.

Guddoomiyaha oo Tix-raacaya Wareegto uu dhawaan soo saaray Wasiirka Warfaafinta JSL, taasi oo uu ku sheegay in la cashuurayo Saxaafadda ku shaqaysa Online-ka ayaa yidhi “Saxaafaddu waa Tiirka Afraad ee Dawladnimada, waana halka Bulshadu ka hesho Xogta iyo Wararka, haddaynu nahay reer Somaliland kaalintan waxa inoogu jira Hablo iyo Inamo diraneyaal ah oo naftooda u huray sidii ay Shacabka xogta la xidhiidha noloshooda, horumarkooda, Dawladnimadooda iyo wax kasta oo jira, sidaa awgeed waxaan waajib u arkaa in Xukuumadda, Xisbiyada iyo shacabka looga baahan yahay inay dhiiri-geliyaan dhallinyaradaas, kuna xushmeeyaan hawsha adag ee dhaqaalaha yar ee ay inoo hayaan. Saddex Arrimood baa ugu muhiimsan waxyaabaha lagu qiimeeyo Dawladnimada dal kasta, Xorriyadda Saxaafadda, Xorriyatul-qawlka iyo dhowrista Xuquuqda aadamaha, saddexdaa arrimood waxay ku xidhan yihiin inaynu Ictiraaf helno oo waa la innagu qiimaynayaa, haddii mar walba Somaliland kaalin hoose ka gasho Arrimahaasna waxay dhaawici karayaan Himiladeena, Adduunyada waalla qiimeeyaa sannad kasta arrimahaa, beryihii u dambeeyayna Somaliland xagga hoose ayay ka galaysay (Qiimaynta) waanad baadhi kartaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maalin dhawayd waxa hoygaygii iigu yimid oo igu soo booqday Saxafiyiin badan oo ka tirsan Saxaafadda Madaxa-bannaan iyo hoggaankooda ururka SOLJA, dhammaantood waxay so qoto-dheer iila wadaageen culaysyo iyo Cadaadisyo ay kala kulmayaan Xukuumadda iyo Wasaaradda u xil-saaran ee Warfaafinta oo uu imika joogo Wasiir aanu muddo dheer Xeer-dejiye isla ahayn, si wanaagsana u fahamsan Dastuurka iyo Shuruucda dhaqan-galka ah ee dalka Mudane Saleebaan Cali Koore. Markii aan dhegaystay hadalkooda waxa iiga soo baxday in culaysyada intaas leeg ee la saarayo aanay qaadi karin Saxaafadda dalka ka hawl-gala, Saxaafaddana ay ku tahay dhabar-jab iyo culaysin la saarayo si loo baraq-jebiyo ama loo cabsi geliyo.”

Guddoomiye  Cirro waxa uu digniin u diray Xukuumadda Madaxweyne Biixi “Xukuumadda waxaan uga digayaa inay qaaddo Cashuur iyo Takaaliif aan Golaha Wakiilladu jidayn iyo inay qaaddo Tallaabooyin aan loo marin Dastuurka iyo shuruucda dhaqan-galka ah, kuwaasi oo ujeeddada laga leeyahay tahay in lagu xakameeyo Madax-bannaanida Saxaafadda ama lagu cabudhiyo Saxaafadda guud ahaan..”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office