Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yaasir oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida iyo Xiildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi, ugu baaqay inuu soo dhiso Xukuumad tiro yar oo tayo badan leh, waxayna kula taliyeen in sicir bararka iyo maceeshada qaaliga ah uu wax ka qabto.
Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yaasir iyo Xiildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yaasir yidhi “Waxaan Madaxweynaha kula talinayaa in Xukuumadda la dhisi doono insha-allaah, inay noqoto Xukuumad kooban, tayo leh, waayo-aragnimo leh, aqoontii loo baahnaa leh, dad daacad ah oo aan xoolo urursan, oo umadda horumar iyo barwaaqo gaadhsiiya inay noqdaan ayaan jecel ahay, waxaana Madaxweyne Muuse Biixi aan kula talinayaa inuu aad uga fiirsado dadka uu magacaabayo, oo uu magacaabo dad dadka u adeegaya, oo daacad ah oo aqoontii leh, oo aanu magacaabin kuwii wax urursan jiray ee la sheeg-sheegi jiray, waxaana aad iyo aad loogu baahan yahay in dadka shacabka ah hoos loo eego, oo dadku shaqo helo, oo horumar gaadho, oo dalku dhismo, oo baayac-mushartarku dhismo, oo sicir bararku hoos u dhaco, waxaan kale oo aan kula talinayaa inuu la tashado dadka arrimaha dalka u dhuun-daloola si wuxuu sameeynayaa ay u noqdaan wax fiican”.
Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yaasir mar uu ka hadlaayey sicir bararka iyo maceeshada ayaa yidhi “Maceeshadu runtii aad iyo aad bay qaali u tahay, waana ku dhib dadka, wax sicir bararka hoos u ridaana ma jiro, warshadana ma lihin, ee in sicir bararka hoos loo rido oo qorshe lagu rido la keeno ayaa wanaagsan”.
Xildhibaan Bashiir Tukaale ayaa isna yidhi “Madaxweynaha la doortay xilkaas loo doortay, waan ku hambalyeynayaa, ALLENA wax ha la qabto, kolay waa nin intaas dalka soo joogay, dadka iyo baahidiisana cid uga waramaysa in aanay jirin baan u maleeynayaa, waxaana leeyahay sidii aad dadka u walaalan lahayd, ee aad iskugu keeni lahayd, ee tafaraaruqii ku dhacay, aad uga saari lahayd ayaa laga rabaa”
Mar uu ka hadlaayey Wasiiradda laga filayo inuu magacaabo Madaxweynuhu ayaa yidhi “Wasiiradda Xukuumadda Siillaanyo iyo Tirada Xildhibaanada Golaha Wakiiladu wey is leekayeen, oo Wasiiraddu, Wasiirul dawlayaahu iyo ku xigeenadu 82 ayey ku dhawaayeen, Muuse Biixina Wasiiro badan loogama fadhiyo, ee Wasiiro kooban oo xul ah ayaa looga baahan yahay”.
Xildhibaan Bashiir Tukaale mar uu ka hadlaayey Sicir bararka iyo Maceeshada ayaa yidhi “Aafada Sicir bararka waxa sabab u ahayd Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo, oo lacag baa la iska soo daabacanayey, suuqa la geeynayey, oo waa la sarifaynayey, muddooyinkii ugu dambeeyeyna dad yaacaya, oo baxsanaya, oo hantida qaranka boobaya, oo lacagtaas sameeyska ah ku boobaya ayey ahaayeen, Madaxweynaha la doortayna isaga laftiisu arimahaas uu la socday, ee Madaxweynaha sicir bararka ay Xukuumaddii XIsbigiisu sababtay inuu wax ka qabto waa looga fadhiyaa”.