Xildhibaano Ka Soo Jeeda Awdal Iyo Sool Oo Aragtiyo Kala Duwan Ka Bixiyay Kala Qaadista Doorashooyinka

0
562

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ah Xildhibaano ka tirsan Wakiilada kana soo kala jeeda Gobolada darafyada Somaliland gaar ahaan Awdal iyo Sool ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey go’aankii uu Madaxweynuhu ku kala qaaday labada Doorasho ee uu ku sababeeyey xal u helida saami qaybsiga, waxay sidoo kale ka hadleen walaacii ay Beesha Caalamka ka muujisay go’aanka Madaxweynaha.

1

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo isna ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa iyagoo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada Madaxtooyada iyo sida ay u arkaan.

Ugu horeyna Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Doorashadii Golaha Wakiilada ee 2005-tii waxa la go’aamiyey oo Maxkamadu sheegtay  Doorashada Wakiilada in wax laga bedelo nidaamka Doorashada, sidaas oo ay tahay waxa haddana la go’aamiyey in Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada mar la wada qabto, oo la qabto Sannadka dambe bisha saddexaad, balse muran badan oo ka dhashay saami qaybsiga iyo sida kuraasta Wakiilada ay Goboladu u kala helayaan, ayaa jirtay, Xukuumaddana muddo lix sanno iyo badh ah ayey hadda xilka haysay, intaasba xal wey u heli karaysay, waxna wey ka qaban karaysay, balse nasiibo daro wax alaale waxay ka qabatay ma jirto, arinka saami qaybsiga Xisbiyada ayaa mar galay, go’aan midaysana wey isku raaci waayeen, oo Madaxweynaha ayey u gudbiyeen, Madaxweynuhu wuxuu awooday inuu ka badheedho oo go’aan ka qaato, labada Doorashana wakhtigoodii ku wada qabsoomaan, balse nasiib daro go’aan kamuu qaadan ee wuxuu go’aansaday in Doorashada Wakiiladu dib u dhacdo, waxaanan qabaa in Madaxweynahan iyo Xukuumaddiisaniba aanay go’aan ka qaadan Karin dhamayn karina arinta saami qaybsiga ee aynu iska sugno Xukuumadda dambe ee dhalan doonta, kolay haddii aanu nahay Golaha Wakiilada muddo kordhin baa la noo sameeyey balse waxa meesha ka cad oo muuqata oo aynu aragnaa inay Caalamkii iyo Xukuumaddani kala fogaanayaan, ee ha lagu dadaaluun in Doorashada Madaxtooyada wakhtigeedii lagu qabto oo aan la keenin marmarsiiyo kale”.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Aad iyo aad waxaan u soo dhaweeynayaa go’aanka Madaxweynaha, sababtoo ah laba arimood labadaba Madaxweynuhu wuu ku saxan yahay kow in dadka saami qaybsiga wax ka tabanaya in la qanciyo weeye, oo saami qaybsiga Dawladnimada oo dhan baa laga hadlayaa in laga wada hadlo saami qaybsiga oo la is qanciyo Madaxweynuhu xal buu u arkay wuuna ku saxan yahay, qodobka labaad dhinaca nabadgalyada uma wanaagsana in labada Doorasho mar wada dhacaan, sababtoo ah marka saddex nin tartamayaan iyo marka laba boqol iyo konton musharax ay tartamayaan, oo mid waliba qabiil wato marka la isku dhex daro xitaa amaanka Qaranka ayaa gacanta ka baxaya, Dawladdii amaanka ilaalin lahaydna Doorasho ayey ku jirtaa, marka Madaxweynuhu dalka iyo dadku u naxay, Beesha Caalamka waxaan leeyahay sida aad u fikiraysaan iyo sida uu Madaweynuhu doonayo iskuma dhawa, Qarankani wuxuu u baahan yahay inay cadaaladi dhacdo, Madaxweynuhuna cadaaladi inay dhacdo ayuu u taagan yahay, waxaananleeyahay Beesha Caalamka arimahayga guddaha noo daaya, oo wixii aad na tari kartaan na tara”.