Xildhibaano Guurtida Ka Tirsan Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Ka Gaabisay Daminta Colaadii Dharkan-geenyo Iyo Jawaabta Wasiirka Arrimaha Gudaha

0
623

ddHargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali iyo Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac  iyo Xildhibaan Cabdixakiim Cumar Faarax Budeeye oo ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ka digay colaad dib uga soo cusboonaata Deegaanka Dharkeen-geeyo ee gobalka Sool, waxayna sheegeen in Xukuumaddu doorkii laga rabay aanay uga qayb qaadan, waxayna ku taliyeen in sida ugu dakhsaha badan loo soo afjaro  khilaafka labada Beelood ee Dharkeen-geeyo si aanu dhiig dambe u daadan, colaad dambena u dhalan. Waxase arrintan iska difaacay oo ka jawaabay Wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Maxamuud Faratoon.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac  iyo Xildhibaan Cabdixakiim Cumar Faarax Budeeye oo shalay Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali oo arintan ka hadlaya tilmaamay in Xukuumaddu isku koobtay doorkii nabadgalyo ee looga baahna in Guurtidu ay xaq u lahayd in wax ka qabato, balse haddana ay ka gaabisay, waxaanu yidhi “Laascanood maamul kama jiro, in aanu maamul ka jirana waxa idin tusayaa habeen hore iyo habeenidii ka horeeyey waxa ka dhacay guryo ayaa rasaas lagu googooyey, qoryo ayaa la wada haystaa, nin iyo qori  ayaa la wada haystaa, nin qori haystana lama qaban karo, wixii Dharkeen-goonyo, Saax-dheer, Daba-taag iyo Dhumayaale, waxay marayaan Laascanood, waxaan odhan lahaa abaartan ILLAAHAY baa qaboojinaye,in dadkaas abaarna garaynin  loo gurmado, Bahararsame iyo Qayaad guddi bay samaysteen, oo nabadgalyada iyo abaarta dadka kala shaqeeynaya, in Guddidi la daba galo ayaan ku talin lahaa,  Golaheena Guurtiduna dhakhso u baxo, abaartan ha eegine halkaas waxbaa ka soo socda”.

Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac ayaa isna dhankiisa yidhi “Labadii reer ee Dharkeen-geeyo isku dilay maalin walba xabad bay isku ridaan,waayo meelna kuma kala bixi karaan oo Geelooda ayaa sidaas iskugu jira, xagga dawlad ninka Doolaal  la yidhaahdo baa barigii hore gacanta ku qabtay, ninkiina waa la bedelay, hadeer ciidan ma joogo, anigu waxaan odhan lahaa ciidan ha galo meesha oo meeshan waxbaa ka soo socdee gacan bir ah ha lagu qabto, Wasiirka Arrimaha Gudduhu xaq buu u leeyahay inuu tan Ceel-afweyn galo, ee sida uu tan Ceel-afweyn u galay muxuu tan Dharkeen-geeyna ugu gali waayey ee uu uga amuusay, waxaan leeyahay Wasiirka Arrimaha guddahoow ha ka seexan ee meesha gal”

Xildhibaan Cabdixakiim Cumar Faarax Budeeye oo isna arintan ka hadlaya ayaa   yidhi “Amaanka dalka oo guud ahaan sugan, in la sii sugo, oo mar walba lagu dadaalo in laga hortago amaan darada weeye, balaayana waa laga hor taga ee lagama taba tago waxaana anigu ku talinayaa in laga hortago wax walba oo keeni kara amaan daro, si toos ahna loo heshiisiyo Beelaha walaalaha ah ee Dharkeen-geenyo, loona  dhammeeyo tabashooyinka iyo colaada ay kala tirsanayaan”.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo uu isna Geeska Afrika weydiiyay dareenka ay xildhibaanadu qabaan ee ah in xukuumadu ka gaabisay daminta colaadii dharkan-geenyo, ayaa yidhi  “Xukuumaddu wey joogtaa, oo Ciidanka Qaranku wey joogaan Dharkeen-geenyo, in kasta oo tabasho jirto haddana labada Beelood hadda isma hayaan, Xukuumadduna waajibkeeda ayey ka gudanaysaa wax amni daro ah oo nabada ka hor imanaya ma ogolin, labadan beelood oo qudha maaha raali kama nihin haba yaraate wax amni daro ah dadka iyo dalkaba dhibaya, labadan Beeloodna waxaan leeyahay waxaad tihiin dad wada dhashay, dad walaalo ah, ee mar walba isku duubnaada, oo colaada iyo waxaad kala tabanaysaan iska ilaaba”.

 Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa mar aanu wax ka weydiinay xaalada Laascanood ayaa yidhi “Dhib weyni kamuu dhicin, haddana Magaalada Laascanood wey degan tahay, dhibtaas yar ee dhacdayna qof ayaa ku dhaawacmay, cidna kama ogolin inay ku kacdo fal amaanka ka hor imanaya, ama wax yeelaya ee dadku mar walba ha feejignaado, oo nabada dhiniciisa ha ka ilaaliyo, oo cid walba oo wada amni darana ha iska qabtaan oo ha nala soo socodsiiyaan”.

Wasiirku mar uu ka hadlaayey abaaraha wuxuu yidhi “Waxa la qabanayaa Shir balaadhan oo lagu soo casuumayo Warbaahinta Caalamka, waxaana Adduunka loo soo bandhigi doonaa Abaaraha halka ay marayaan iyo sida xaalada ay dadku ku sugan yihiin, Xukuumaddana mar kasta dadaal ayey ugu jirtaa sidii ay dadkeena u caawin lahayd, ee dadkuna dhinacooda ha iska abaabulo oo abaarta ha ka qayb qaato.”