Hargeysa(Geeska)-Laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland oo kala ah Axmed Maxamed (Nacnac) iyo Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good oo labadooduba ka tirsan Golaha Baarlamanka Somaliland ayaa shalay shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Dhismaha Xarunta Baarlamaanka waxay kaga hadleen Abaaraha iyo Biyo La’aanta ka taagan gobolada galbeed ee Somaliland gaar ahaan Awdal iyo Salal.
Md. Axmed Maxamed Diiriye, ayaa sheegay inay Galbeedka Somaliland ku tageen safar ay ku soo arkeen meel dadkii iyo xoolahiiba halis ku jiraan oo ay jilicsan yihiin, waxuuna Xukuumadda iyo dadweynaha Somaliland u soo jeediyey in arintaasi degdeg looga gurmado.
Xildhibaanku waxuu soo jeediyey in baarlamaanka Somaliland ay bil mushaharkeed ugu tabarucaan dadweynahaa walaalahooda ah ee goboladaas ku sugan si ay taasi tusaale ugu noqoto buu yidhi dadka intiisa kale. Halka sidoo kalena uu u soo jeediyey shaqaalaha dawladda inay 10% ay mushaharooyinkooda bishan u jaraan dadweynahaas ay abaartu halakaysay.
Xildhibaan Abubokor Cabdiraxmaan Good ayaa isna sheegay inay indhahooda ku soo arkeen deegaanada kala ah Garbo-dadar, Gargaara iyo Lughaya oo uu ku tilmaamay deegaan abaaro laga naxo ay ka jiraan doo caruurtii laga soo daadgureeyey, waxuuna u soo jeediyey xukuumadda in loo gurmado.
Labada Xildhibaan, waxa kale oo ay bulshada ka raali geliyeen hadal uu xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ku sheegay inay magaalada Hargeysa iska soo sharixi karaan deegaankeeda dadka deegaan ahaan degeni. “ Haddaan ahay xildhibaankii Hargeysa laga soo doortay , caasimada laga soo doortay , dadka waxa aan xaal ka siinayaa hadalkaas , qof alaala qofkii iska sharixi kara oo daacadnimo wadankiisa wax ugu qabanaya waa loo baahan yahay, inuu iska soo sharaxo meeshuu doono, anigu sannadkan Ceerigaabi iyo Ceel-Afweyn ayaan u socdaa , markaa waxa aan leeyahay ninka halkan dadka ka sheeganayow waa wax kuma taal waxaas , waxa allaala wax ka jiraa ma jiro inuu halkan iska soo sharaxo waa la ogol yahay , xeer u diidayaa ma jiro baarlamaan la mariyay ma jiro” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Nac-Nac.
Sidoo kale xildhibaan Nac Nac, waxa uu ka jawaabay hadal uu wasiirkii caafimaadka ee xukuumadii hore Md. Cabdi Haybe, ku duray oo la xidhiidhay inuu Xildhibaanku keligii degta ku sito wadada Baligubadle iyo Hargeysa, waxaanu xildhibaan Nacnac yidhi “Waxaan leeyahaytaariikhdu way qori doonta qof waliba wixii uu galay,Cabdi Haybe wax ha ku soo darsado wadada taladeedana waa looga baahan yahay, isaga oo wasiirana waynu ogayn maanta oo uu shaarica maraayana waynu garan karnaa , qof aan ogayn meesha laysla marayana inuu ka hadlo maaha, wadadiina waa la bilaabay tuurtana kuma sitee laabtaan ku sitaa.”
Xildhibaan Abubkor Good, ayaa isna isagoo la hadlaya xildhibaan Siciid, wuxuu yidhi “Cunsuriyada uu qof ku sheekaynayaa oo waliba ay niman xildhibaano ahi ku sheekaynayaan ee ay Somaliland kala qaad qaadayaan ee ay leeyihiin qof aan deegaan ku ahayn Hargeysa iskama soo sharaxi karo waa cunsuriyad wax laga naxo ah,yaa wax u qabanaya umada weeyaan muhiimadu, inta aad wax dhaliilaysid ee aad Madaxweynihii hore Daahir Rayaale dhaliili jirtay ee Madaxweyne Siilaanyo aad dhaliilaysid ee aad maxkamada dhaliilaysid,ee aad wasiir dhaliilaysid, markaa qofka sidaa wax u dhaliilaya waxaynu odhan karnaa ma nolosha ayaa kaa noqotay inaad wax dhaliishid, waliba waxaan xildhibaan Siciid Cilmi Rooble leeyahay yaanay dhaliishu kaa noqonin wax aad la qabsatay.” Ayuu yidhi xildhibaan Abuubakar Cabdiraxmaan Good.