Xildhibaanada Muxaafidka Oo Weli Ku Dhegan Mooshinkii Muranka Abuuray Iyo Kuwa Mucaaradka Oo Sharci Darro U Aqoonsan

0
470

Picture7Hargeysa (Geeska)-Xildhibaanada Muxaafidka ee Golaha Wakiilada ayaa ilaa hadda ku adkaysanaya inay keenayaan dibna u soo celinayaan Mooshinkii khilaafka iyo gacan ka hadalka Shirgudoonka dhaliyey, waxayna sheegeen inay iyagu sharci ku taagan yihiin, mooshinkana uu sharci yahay, halka XIldhibaanada Mucaaradku iyana dhankooda ka sheegeen inay xaq daro iyo sharci daro tahay in mooshin la laaley in dib loo soo celiyo.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo ka tirsan Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye, iyo Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo isna ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa wareysi ay siiyeen Wargyeska Geeska Afrika ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey mooshinkan muranka iyo khilaafka dhaliyey, waxaana ugu horeyn Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo hadalkiisi ku bilaabay sidan “Waa in kal-fadhiga la iskugu yimaada, oo la wada hadlaa, si sharci ayaanu ku doodaynaa, Mooshinka waa in  halkiisi la soo dhigaa, Mooshinkuna waa xaq sidii kii hore loo keenay ayaanu kana u keenaynaa, wax mushkilada maaha, ee Wadanka sumcad xumada ha laga daayo, oo qalaanqalka ha laga saaro, mar haddii uu Madaxweynuhu soo celiyey waa sharci oo sharciga ayaa qoraya in la hor keeno Barlamaanka, oo ama aanu diidno, ama aanu ogolaano, waana sharci mooshinkani, xeer hoosaadkiina wali lama ansixin, xeer hoosaadkana waa  ka aanu diidanahay, ee ay ka dhigeen Shaadh ay iyagu gashadeen, walina waxaanu ku shaqaynaynaa xeer hoosaadkii hore.

Guurtidu waxa ay tidhi waxa aan la ogeyn oo Shir gudoonku wada ogeyn oo barigii hore loogu gar qaaday nin kaligii ma gudbin karo, waana khaladaadka uu sameeyey, Shir gudoonka umuu sheegin, anaga noomu sheegin, waana khaladaadka sharciga ah ee aanu ka doodayno,Guddoomiyuhu ama Afhayeenku maaha inuu waxa uu doono nagu sameeyo, dad la soo doortay ayaanu nahay, waa inuu taladda ka qayb galiyaa oo uu yidhaahda Madaxweynuhu uu soo celiyey ee maxaynu ka yeelnaa, laakiin maaha inuu keligii iyo afarta wadani warqad iska qortaan, Madaxweynuhu awood ayuu u leeyahay inuu wareejiyo Hanitada Qaranka, inuu iibiyo, inuu kireeyo, Dastuurkana qodobka 12-aad ayaa xaq u siinayaa

Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo isna ka mid ah Xildhibaanada Mucaaradka ee Golaha Wakiilada ayaa yidhi “In Sharciga dalka iyo Dastuurka loo hogaansamo weeye, hawsha Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenku waa halkeeda, balse in Sharciga dalka la jabiyo, oo cid gaar ah loo daneeyo, danta caamka ah iyo danta guud ee Bulshada laga door bido waa ayaan daro, anagu ka Xildhibaan ahaana ma yeelayno raalina kama nihin in cid gaar ah kooto loogu xidho Haamaha Shidaalka, waxaana cid walba og tahay oo laga war qabaa in Hanti badan oo Qaranka iyo Umadda reer Somaliland wada lahayd cid gaar ah loo xidhay, laguna wareejiyo, imikana waxa la doonaya in sidaas laga yeelo Haamaha, waxa suurtagalaya maaha.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi xildhibaanku “Xukuumaddani markii ay Mucaaradka ahayd dhaliilo badan ayey u soo jeedin jirtay Xukuumaddii hore, waxayna ku dhaliili jirtay hanti boob iyo wareejinta Hantida Qaranka, balse waxa wax aad loola yaabo iyo ayaan daro ah in shalay wixii ay sharci daro ku tilmaamaysay inay maanta sharci ka dhigato”