Xildhibaanada Muxaafidka Oo Dhaliilo U Jeediyay Gudoomiye Cirro

0
573

Picture5Hargeysa (Geeska) Xildhibaanada Muxaafkada ah ee Golaha Wakiilada ugu jira Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, oo ka kooban 54-Xildhibaan oo Shalay qado Sharaf ku yeeshay Mansoor Hotel ayaa meel adag iska taagay arinta Diiwaangelinta ee khilaafka ka dhex dhalisay Golaha Wakiilada.

Qado sharafta iyo kulan gaar ah oo Xildhibaanadani yeesheen kadib ayaa Labada Guddoomiye ku xigeenk ee Golaha Wakiilada oo iyagu Xisbiga Kulmiye ee taladda dalka ka tirsan

oo iyagu intaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad  Cali Yuusuf Axmed ayaa Markii ugu horeysay si adag uga hadlay Khilaafka  Labada Garab u kala baxay ee Golaha Wakiilada, waxaanay Ku hanjabeen in aan Golaha wakiilada  la Furanayn ilaa dib loo saxo Sagaal Qodob oo ay sheegeen in uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ku darsaday Xeerkii loo gudbiyey Golaha Guurtida.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha wakiilada  Cali Yuusuf Axmed  oo isagu  ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa  yidhi. “Xeerkan Waxa u codeyey 64 Xildhibaan, Hal Muddane oo kaliya aha ayaa diiday, Dhibaatadu waxay ka timid in markii la gudbinayey in anagii oo ku-xigeenada ah aaanan la arag  isla markaan aanan la sixin , nasiib darro waxa dhacday xeerkii aanu isku raacnay, ee Xildhibaanada Goluhu Aqlabiyad ku ansixiyeen ayaa waxa laga bedelay, runtii taasi waa nasiib darro,  Golaha Guurtidu nasiib wanaag markii ay ogaadeen golaha ayey ku soo celiyeen, marka waxay yidhahdeen kani ma ah kii Goluhu soo gudbiyey ee soo saxa oo kiiyo sax ah noo keena, Guddoomiye Cirro ayey u timid mar labbaad isaga oo aan nagala tashan ayuu Guurtida warqad u qoray uu leeyahay ama soo ogolaad ama soo diida, dee maxay ogola’aanayaan haddii aan wixii saxa ahaaba loo geyn marka dhibaatadu halkaas ayey ka taagan tahay, imikan waxanu rajeynaynaa in guddoomiyuhu tan saxda ah uu raaco, isla markaana dhibaatadani halkaas ku joogsato.”.

Guddoomiye Ku xigeenka Kowaad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo isna ka halkaas ka hadlay  ayaa yidhi “Khilaafka Golaha dhex yaal waa sharci la gudbiyey oo mid kale lagu badelay, Sagaal Qodob ayaa ka bedelan xeerka uu Goluhu sameeyey, waxa laysku haystaan waxa weeye mar haddii la codeeyo qof jecel iyo qof neceba waa in sidiisa Golaha Guurtida loo gudbiyaa, markii golaha Guurtida loo gudbiyey waxa la ogaaday in Sagaal Qodob ay khaldan yihiin, arritna taala ma ah mid lagu gorgortamayo, marka GudDoomiye Cirro waxa laga sugayaa in wixii la ansixiyey sidiisi ku gudbiyo oo aanu waxna ku darin waxna ka reebin.”

 Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin warar laga fiideyey oo sheegaya in Madaxtooyadu ka danbeeyso Garabkooda waxanu yidhi. “Arrimaha Kale ee la leeyahay Komishanbaa la hortaagan yahay, Madaxtooyada soo dhex gashay waa Been, anagu komishanka ma  diidanin  in ay hawshooda Bilawdaan waanu ogol nahay, lakiin marka ugu horeya waa in khilaafkii golaha dhex yiil meel layska dhigaa, illaa khilaafka meel layska dhigana waax la ansixinayo ma jirto, Goluhu Fasaxbuu galay ilaa Bisha danbe Siddeeded in ta ka horeysa xalka goluhu wuxu ku jiraa Gacanta Gudoomiyaha Golaha.”

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada ayaa isaga oo ka jawaabay eedo ka soo yeedhay qaar ka mid ah Xildhibaanada Mucaaradka ah ayaa yidhi  “Xildhibaanada waddani ee raacsan gudoomiye Cirro waxan leeyahay shalay waan maqlayey hadaladiina oo aad lahaydeen beesha caalamku hana soo faragaliyaan, iyo ciidamo Amisom ah ha la keeno waxa loo dulqaadan karayo ma ah Somaliland  faragalin laguma sameyn karo xildhibaanada yidhi Amisom hanaloo keeno Xassan Sheekh hanoo yimado  waxay ku kaceen khiyaamo Qaran, Goluhuna Talaabo ayuu ka qaadidoona, Wakhtigii goluhuna waa iska gabogabo ma jirto wax la leeyahay Cabdiraxman hala riido oo maamus ka xayuubin halagu sameyo, laakiin sharciga ilaali uunbanu leenahay.”