Xildhibaan Waabeeye Oo Ka Hadlay Go’aankii Ay Mucaaradka Diiwaangelinta Ku Qaadaceen

0
729

Picture6Hargeysa(Geeska)-Hogaanka Sare ee Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan qaadacaada ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ay qaadaceen Diiwaan-gelinta Madaniga ah ee la filaayo in dhawaan dalka laga hirgaliyo,waxaana ay sheegeen in ay ayaan darro ay tahay in Xisbiyada Mucaaradku ay qaadacaan mid kamida waxyaabaha muhiimka u ah ee suurta galinaaya in ay doorasho ay dalka ka qabsoonto. Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo shalay warbaahinta ugu waramaayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay ka Xisbi ahaan ay aad uga xun yihiin in Xisbiyada Mucaaradku ay qaadacaan Diiwaan-gelinta Madaniga ah.waxaana uu carabka ku dhuftay in diiwaan galinta Muwadiniintu ay tahay mid kamid rukunada Muhiimka ah u ah Doorashooyinka soo socda.

"Waxaan maqlaayey in ay Labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ay qaadaceen Diiwaan-gelinta Madaniga ah,horta waxaa ayaan darro ah dalkeena waxaa aynu doonaynaa in aynu noqono sidii qaramada (State-ka) oo wax kasta oo qaran(State) leeyahay ama dal qaran leeyahay waa in aynu yeelanaa,markaa diiwaan-galinta Muwaadiniintu waa mid kamida rukumada ay ku taagan yihiin qaramada dunidu(World States),sababta oo ah waxaa la cadaynayaa Muwaadinka,yaa codayn kara,yaa xaq u leh in uu qaato jinsiyada dhalashada uu ku codeeyo,sidaa darteed Xeerka diiwaan galinta Muwaadiniintu waxaa weeye Muwadiniinta dalkan joogta oo marka hore la koobo lana cayimo,la cadeeyana,sida oo kalena la siiyo Kaadh.ID-gaasina lagu sugo tirada muwaadiniinta codaynaysa”Ayuu yidhi Xildhibaa Waabeeye

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Markaa tii caynkaas ahayd ee ay Muwaadiniinta lagu sugaayey ee ay Hoteelada ku seexanayeen,Cisbitaalada ku tagayeen,ee ay ku footeynayeen in ay Xisbiyada Mucaaradku ay ka horyimaadaan,waxaan u arkaa ayaan darro,waxaan kale oo aan u arkaa in ay carqaladaynayaan hanaankii iyo habkii ay u socotay doorashadu,waayo marka Kaadh la qaato waxaa la qaadanayaa Diiwaan galinta Codbixiyeyaasha oo qofka Somaliland landerka ah ayaa codaynaaya,Xisbiyada Mucaaradku ma waxa ay doonayaan in ay Hindi u codayso ama ay Yamaniyiin ay u codayso,dee cida ay cod ka doonayaan waa dadka reer Somaliland,markaa in qofkaasi uu is cadeeyo oo uu kaadhkiisii uu qaato ma qurux badna miyaa?".

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE Xildhibaan Maxamed Yuusuf (Waabeeye) ayaa waxaa uu sida oo kale uu sheegay in ay ka Xisbiga KULMIYE uu diyaar u yahay in ay doorashada dalka ka qabtaan balse ay Xisbiyada Mucaaradku ay ishortaageen xeerarkii fududayn lahaa in ay dalka doorasho ka dhacdo.

"Waxaa kale oo jirta in Xisbiyada MUcaaradku ay iyagu ay ka cabanayaan in ay doorashadu ay dib u dhacdo iyaga ayaan keenaya mid kamida waxii carqalada ku ahaa doorashada sida qaadacaada iyo in ay is-hortaangaan xeerarka,markaa labadaa masalo waa laba ayaan darro ah.wadankeena aynu qaranimadiisa ka shaqayno KULMIYE-na waxaa uu diyaar u yahay in uu soo dhigo doorashada,marka ay dhamaadaan waxa ka horeeya ee Diiwaan-gelinadu,waayo KULMIYE khasaaraha iyo faa'idadaba waa uu yaqaana oo waad ogtihiinoo 80-cod ayaa na lagaga helay 2003-dii maantana 80-kii cod ayaanu ku helnay,labada kaadhba waanu naqaana oo waanu soo dhigi doona"Ayuu yidhi Md:Maxamed Xaaji Yuusuf