Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa shalay si kedis ah u baajiyay xeerka diiwaangelinta muwaadiniinta oo markii hore la qorsheeyay in golaha wakiiladu duu-duub ku ansixiyo.
Md. Cirro, ayaa subaxnimadii hore ee shalay wuxuu safar kalahaad ah ku yimid madaarka Hargeysa, ka dib markii uu habeen hore ka soo guuro-galay dalka Imaaraadka Carabta oo diyaaradaha ka yimaadaa ay saqda dhexe ka soo baxaan, waxaanu si kedis ah uga dhex toosay fadhigii golahada wakiilada oo ay hadhaysay xiisad ka dhalatay xeerka diiwaangelinta oo ay mudanayaasha qaarkoodna doonayeen in la ansixiyo, qaarna doonayeen in laga doodo.
Ka hor intii aanu guddoomiye Cirro golaha tagin, Guddoomiye Ku-xigeenada Kowaad iyo Labbad oo fadhigaasi Shirguddoominayay ayaa xildhibaanada u qaybiyay Xeerka Diwaangalin oo dhawaan golaha la horkeenay, , waxaanay xildhibaanada Muxaafidku ku doodayeen in duuduub lagu ansixiyo Xeerkaasi iyada oo Xildhibaanada kalena ku doodayeen in la soo akhriyo, xaaladu markii ay halkaasi ay maraysay ayaa waxa golaha ka oogantay xiisad.
Iyadoo ay hadalo taag-taagani golaha ka dhex socdaan, ayaa waxa si kedis ah albaabka uga soo galay Guddoomiyaha Golaha wakiilada oo si toos ah uga yimid madaarka, islamarkaan isagoon xataa meel kale ku leexan si toos ah u yimid golaha, waxaanu markiiba si toos ah ula wareegay guddoominta golaha isaga oo dhegeystay murankii ka taagnaa Xeerka Diwaangalinta ee shalay loo qaybiyey xildhibaanada,
Guddoomiyaha ayaa waxa uu isla markiiba ku dhawaaqay in xeerku uu golaha ooli doono, loona yeedhi doono Guddida Doorashooyinka qaranka si ay uga hadlan xeerkan oo ah mid muran baddan ka taagnaa muddooyinkii ugu danbeyey, waxaanu sidaas ku xidhay fadhigii golaha.
Xildhibaanada qaarkood, oo u badnaa muxaafidka, ayaa markii golaha la xidhay ku tiraabay ereyo ay ku tirabaayeen oo dhigayay in guddoomiye Cirro si kedis ah ula wareegay hoggaamintii golaha.
Guddoomiye Cirro, ayaa u muuqday inuu go’aankan hore u soo gaadhay islamarkaana sababta uu golaha sida tooska ah ugu yimid ay salka ku haysay go’aanka uu hirgeliyay ee uu ku hakiyay xeerkan diiwaangelinta, oo dabcan aanay madaxtooyada iyo xildhibaanada taageersani jeclaysan.