Xildhibaan Tukaale Oo Si Adag U Dhaliilay Siyaasadda Daakhiliga Iyo Khaarajiga Ee Xukuumadda

0
588

Picture4Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay xaalada guud ee uu maanta dalku maraayo, waxaana uu sheegay in mudadii  ay talada dalka haysay xukuumada Siilaanyo uu ku yimi dib u dhac aad u wayn, sida oo kalena xukuumadihii tan ka horeeyey ay midaysnaayeen guud ahaanba umadda reer Somaliland balse maanta uu sheegay in loo kala fadhiyo qabaa’ilo, waxaa uu sida oo kale xukuumada Siilaanyo uu ku eedeeyey in ay ku boobka hantida umadda iyo in ay kor u soo qaaday qabyaalada oo guud ahaanba ayaa uu yidhi dadka iyo dalkaba saamaysay.

Xildhibaan Bashiir Tukaale, ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin xukuumada Siilaanyo iyo tii Riyaale ay tahay xaga maamulka, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in madaxweyne Siilaanyo aanay maamulka xukuumadiisu gacanta ugu jirin, waxa kale oo uu wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo oo hore waagii uu mucaaradka ahaa iyo wakhtiyo ka danbeeyey oo uu khubado ka jeedinayey baarlamaanka si aada uga qaylin jiray in muddo kordhinta hadana maanta ay xukuumadiisu u olalaynayso sidii muddo kordhin loogu samayn lahaa.

"Xaalada uu dalku maraayo maanta runtii Illaahay ayuu leeyahay, se xaalado sidan ka soo adagba waa uu soo maray, se waxaan kuu sheegayaa in xaalada dalka ee maanta ay aad u cakiran tahay. Waxa weeye maamulkii kan ka horeeyey madaxweyne ayaa dalka maamulaayey, madaxweynaha ayaana go'aanka qaadan jiray sax iyo khaladba isaga ayaa iska lahaa, laakiin tani waxaa ay kaga duwan tahay dad badan ayaa taladii la yeeshay madaxweyne Siilaanyo oo rag iyo dumarba leh, markaa xaaladu xaalad madaxweyne ka taliyo dalku umma eeka, madaxweynaha waa tii aad maqli jirteen oo uu odhan jiray maalin la' iigu dari maayo ama lay kordhin maayo, waxaa aynu hore u ogayn barigii madaxweyne Riyaale qayladii madaxweynaha ka bixi jirtay, marka waxaan u malaynayaa madaxweynahu dee sidii uu u qaylinaayey waa uu ogaa, waxii uu halkan ka yidhina waa uu ogaa, markaa dee maanta ma garanaayo sababta in loo kordhiyaa ay ula macaanaatay oo kordhin lagu dagaalamo maanta dee waa xaalad la' la yaabo weeyaan, ninkii waxaa ku hadli jiray maahaane dee cid kale oo meesha joogta ayaa kordhisanaysa.".Ayuu yidhi Xill.Bashiir Tukaale.

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:"Waxa kale oo jirta wakhtigii Riyaale umaddu waa ay midaysnayd siyaasad kasta ha soo marto, nooc kasta ha soo marto xiligii Riyaale, laakiin umaddu waa ay midaysnayd oo Somaliland-nimadu waa ay midaysnayd maanta se Somaliland qabyaalad ayaa loo kala fadhiyaa oo waxaad moodaa in xiliyadii ugu adkaa ee dalka la soo galay oo kale ee Sagaashanadii in maanta ay xaaladu la mid tahay. Markaa runtii waxa la yidhaahda Somaliland maalinta ay ugu daran tahay ayey ugu fiican tahay, Illaahay ha innooga dhigo ayaan leenahay, laakiin maanta haddii aan taas ka baxno caqabad kale oo inna hor iman doonta in aanay jiri doonin ayaan u malaynayaa.".

Xildhibaan Bashiir Tukaale, waxaa uu sida oo kale ka hadlay siyaasada arrimaha dibadda iyo heerka ay maanta marayso, waxaana uu aad u saluugay hanaanka ay muddooyinkii danbe ku socotay siyaasada arrimaha dibadda, isaga oo sheegay in halkii muddooyinkii hore ay maraysay siyaasada arrimaha dibaddu ay hoos uga soo dhacday isaga oo ku sabeeyey in xukuumada Siilaanyo ay ku jiraan rag badan oo aan ahayn siyaasiyiin u carbisan sidii ay bulshada caalamka uga iibin lahaayen qarankan curdinka ah, waxaana uu carabka ku dhuftay in dawlada Somaliland aanay illaa hada haysan cid wakiil ka ah oo indhaha bulshada caalamka ku soo jeedisa Somaliland.

"Siyaasad arrimaha dibadda qudheeda dib u dhac aad u weyn ayaa ka muuqda oo halkii aynu hore u taagnayn boqolkiiba 40 ama boqolkiiba 50 hoos ayeynu uga soo dhacnay ayaan odhan karaa, sababta oo ah horta dalkeena waxaad mooda in ay joogaan oo ay ka taliyaan dad aan siyaasiyiin ahayn, oo waa dad iska ah uun shaqaale oo aan siyaasiyiin ahayn, xattaa madaxweynaheenu siyaasi muu ahayn oo shaqaale ayaa uu ahaa, shaqaale wanaagsan oo shaqadiisa ka adag ayaa uu ahaa, laakiin siyaasi muu ahayn, marka qaran ama cid ay doonayso ictiraaf, waxa weeyaan dunida waa in aad ku dhex yeelataa cid mas'uul kaa noqota oo xuquuqdaada u dooda, dawlad ama laba inta ay doontaba ha ahaatee oo bulshada caalamka mar walba arrinkaaga soo dhex dhigta waayo cid kaa wakiil ah marka aad yeelato waxa ay soo dhigaan cid ku raacda waayi maysid, ama lama waayeen.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale.

Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale, oo ugu danbeyntii hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Wakiil la'aan ayaa halkaas inna dhigtay oo inta diyaarad la fuulo ayuunba meelaha la gab gab odhanayaa, adeer waxa weeye waxaasi ma shaqaynayaan, arrintaana waxaan innoogu dhawaa oo xiligiisii uu abuuray Alleh ha u naxariistee Marxuun Maxamed X.Ibraahim Cigaal, oo ahayd dawlada South Afrika, oo mar innaga wakiil noqoto ugu dhawayd, tiina markii maamulkii Riyaale yimi waa ay sii joog joogeen, tan dabe ee Siilaanyana waa tii ay ninkii halkaas joogay mushaharkii yara ay kaba jareen, markaa wakiil la'aan ayaa aduunka innaga haysa, xukuumadani waxaa ay kale oo dheer tahay hantidii umadda oo la boobayo, qaraabo kiilka, qabyaalada iyo waxyaabo runtii aad u yaqyaqsi ah oo ay tahay in laga xishoodo oo aan dalkan iyo dadkan toona dhaqi doonin ayaa runtii ay la soo baxeen. Marka cudurka maamulkani uu dalka iyo dadkaba ku beeray sida uu innooga bixi doono ayaaba wakhti innagu qaadanaysa, haddii uu maamulkani innaga tago, haddii uu sii joogana Alleh ha innoo sahlo xaaladeena.".Ayuu yidhi Md.Tukaale.