Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Dastuurka, Shuruucda iyo Xuquuqul isaanka Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa sheegay in aanu jirin Xeer, Shuruuc iyo Sharciga Qaxoontiga, waxaanu tilmaamay in ilaa hadda aanay Xukuumaddu sameeynin xeerkaas, una soo gudbin, waxaanu xusay inay jiraan Qaxoonti badan oo dalka si bilaa sharciya ku jooga, kuwaas oo uu tilmaamay in dhib loo geysan karo, iyaguna ay geysan karaan, loona baahan yahay in si deg deg ah arintooda wax looga qabto xeerkoodana loo sameeyo.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo shalay ka hadlay tababar ku saabsan Qaxoontiga, oo ka dhacay Hargeysa, ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan "Anagu ka Barlamaan ahaan waxa aanu mar walba diyaar u nahay oo aanu soo dhawaynaynaa in aanu dadka qaxoontiga ah xeerarkoodii ama nidaamadoodii ama shuruucdoodii xuquuqdooda ilaalinaysay iyo ta wadanka laftiisa joogitaankiisaba habaynaysay in aanu sameeyno diyaar ayaanu u nahay, waanu ka warqabnaa in Somalilandba ay soo martay qaxoonti, dad garanaaya ayaanu nahay dadka barakay ee ka barakay wadankoodii dhibaatada ay mutaysanayaan,dad bila'aadanimada aad iyo aad u qiimeeya ayaanu nahay, dad waayaha dunida la socda ayaanu nahay"
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa mar uu ka hadlaayey Wasaaradda Ariimaha Qaxoontigu khuseeyo ayaa yidhi "Waxaan aad iyo aad u jecel ahay in Wasaaradda ay khuseeyso lafteedu in aanu ka wada shaqayno, Qaxoontigu iyaga oo aan sharci lahayn ayey yimadaan, marka dabcan wax badan ayaa ku dhacaaya, dadka dalka laftiisa degana ku dhacaaya, oo u baahan in la kala xadeeyo,waxa aanu rajaynaynaa in aanu ka wada shaqayno Hay'addaha Dawladda haddii ay tahay Laanta socdaalka, haddii ay tahay Wasaaradda Dib u dejinta,haddii ay tahay Wasaaradda Arrimaha Guddaha wixii ka quseeya, haddii ay tahay Hay'adda laftooda wixii ku shaqo leh iyo haddii ay tahay Guddi hoosadkaygana oo ah dhinicii shuruucda in aanu ka wada shaqayno, oo waliba runtii Wasaaradda ay hawshaasi quseeyso ay da dajiso, ayaanu rajaynaynaa".
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa mar uu ka hadlaayey in ilaa hadda Xukuumaddu sameeyn xeerka Qaxoontiga ayaa yidhi "Anagu waanu sameeyn karnaa, awoodaas waanu haysanaa in aanu sharucuuda sameeyno, hasa yeeshe waxa haboon inay nagaga timaado dhinaca Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaraddaha ay khuseeyso"