Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa soo jeediyay in Sabtida golaha wakiilada la soo hordhigo mooshin ka dhan ah xukuumadda oo dalka lagu badbaadinayo.
Xildhibaan Siciid oo shalay u waramay weriye Najax Aadan Cunaaye oo ka tirsan HCTV, wuxuu xukuumadda iyo KULMIYE ku eedeeyay inay ka dambayso khilaafka xisbiga UCID. “Waxa xisbiga UCID haystaa waxa weeye libin uu Faysal ka haysto xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE. Wax allaale iyo wax kale oo haystaa ma jiro.” ayuu yidhi Xildhibaanku oo intaas raaciyay inay xukuumadu ku tumatay shuruucda dalka “Hay’ado qaranku leeyahay oo ina kala ilaaliya ayaa jira, haddii kale sidii qabaa’ilkii ayaan noqon doonaa, kaantarooladii waxaan u baabiinay inaaynu dawlad noqono. haddii kale nin waliba kaantaroolkiisii ayuu haysan lahaa. Shuruucdii xisbiyada iyo kuwoo kaleba xukuumaddani way jabisay.”
Isagoo ka hadlaya mooshinka Sabtida wuxuu yidhi "Si aynan u cidhib go,in ,mooshin sabtida ha la soo dhigo golaha aniguna waxaan noqon doona ninka ugu horeeeya ee saxeexi doona , mooshin aynu ku diidayno oo aynu ku badbaadinayno dimuqraadiyada, oo aynu ku badbaadino doorashooyinka.”