Xildhibaan Sheegay Inay Xukuumadu Ku Tumatay Dastuurka Iyo Xeerarka Dalka

0
630

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Kheyraadka Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Xukuumadda taladda dalka haysa ku dhaliilay inay Sharcigii iyo Dastuurkii Somaliland u yaalay baal martay isla markaana jabisay, oo aanay ku dhaqmin, isaga oo sheegay inay ku kari la’ yihiin Xukuumada in Heshiisyada lala galo Shirkada Shidaalka iyo Shirkadaha kale in la hor keeno Golaha Barlamaanka.

 Guddoomiyaha Guddida Kheyraadka Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabo badan oo Madaxweynaha hadda taladda dalka haya ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), uu dhaliili jiray wakhtigii uu Mucaaradka ahaa uu si badheedh ah hadda u sameeyo, isaga oo tusaalooyin soo qaatay.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa  sheegay in Dalalkii Somaliland Saaxibka lahaa dib u gurasho sameeyeen, oo Xukuumaddani baabisay xidhiidhkii Somaliland iyo Beesha Caalamka u dhexeeyey, “Arinta heshiiska Shidaalku waa xasaasi, waana arin weyn, Xukuumaddana waxa aanu ku kari weeynay oo aanu dhawr jeer Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba u gudbinay uguna baaqnay inay noo soo gudbiyaan heshiisyada kala duwan ee ay la galaan Shirkadaha Shidaalka iyo Shirkadaha kaleba, ilaa haddana waxa heshiis ah oo ay noo keeneen ma jirto, sabab alaale sabab ay u haystaana mayno, waana wax lala yaabo in anaga oo ah Sharci dejintii masuulna ah in hadda wixii Heshiis ah ee Xukuuamaddu la gasho Shirkadaha Caalamiga ah iyo Shirkadaha kaleba in nala soo marin waayo, taasina waxa ay ku tusaysaa in Hantidii Umadda sida la doono loogu takri-falayo”.

Xildhibaan SIciid Warsame Ismaaciil (Gaane) oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dastuurkii dalka u yaalay waa la baabiyey, Xukuumadda ayaana baabisay, waxaaa ka kow ah Madaxweynaha, sababtoo ah Madaxweynuhu Saddex arimood oo markii uu Mucaaradka ahaa uu aad u dhaliili jiray ayaa uu Maanta si badheedh ah uu u sameeyey, sida Cabudhinta Saxaafadda, oo weynu ognahay sida Saxaafaddii Madax banaanayd ee dalka loo galay, waxaynu ka warqabnaa inuu Madaxweyne Siillaanyo uu aad Xukuumaddii hore ugu dhaliili jirey Hantida Umadda, Maanta waxaynu ka warqabnaa oo aynu ognahay in Hanti badan oo ay Umaddu lahayd Xukuumaddani lunsatay, waxaana cad in hadda la wado qorshe lagu iibinayo Dugsiyada Sheekh Bashiir iyo Garoonkii kubada Koleyga ee Magaalada Burco, in hantida Umadda la lunsadana waa khalad, mid loo dulqadan karana maaha”.

XIldhibaan Siciid Warsame Ismaaciil oo mar uu ka hadlaayey Siyaasada Arrimaha Dibada Somaliland ayaa yidhi “Wakhtigii Daahir Rayaale Kaahin Somaliland Wadamo badan ayey Saaxiibo la lahaa,  iyagaana Maanta inoogu daran, waxaana sidoo kale jira in 36 Xildhibaan oo ka tirsan Barlaamanka Ingiriiska oo qadiyadeena iyo Ictiraaf raadinteena u doodayey aanay hadda inoo doodin, iyaga oo ogaaday nidaam xumada iyo siyaasada xumada Xukuumaddan, waxa kale oo ayaan daro ah in qaar ka mid ah Wasiiradda in loo diiday Fisihii ay ku dhoofi lahayeen, taas oo weji gabax ku ah Xukuumaddan”.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil mar uu ka hadlaayey Doorashada soo socota iyo sida uu u arko ayaa yidhi “Xukuumaddani iyada ayaa iska leh aqlabiyada Xildhibaanada Wakiilada, waxayna  wada qorsho walba oo  ay ku kordhisan lahayd Doorashada wey ku tala jirta, balse taasima maaha mid u suurtagalaysa, oo dhab u noqonaysa, mid aanu qaadan karnana maaha, Bulshada wax u cuntamaya maaha.”