Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay marxaladda uu dalku marayo, gaar ahaan kulankii dhawaan dhexmaray Madaxweynaha, Madaxda Xisbiyada Mucaaradka iyo Guddoomiyayaaha labada Gole Qaran, aragtidiisa ku waajahan hadalladii dhawaan ka soo yeedhay qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu ku taliyey in wada-hadallada Soomaaliya la joojiyo, qorshe kalena looga wareego.
Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Shacabka reer Somaliland u soo jeediyey tallooyin ku waajahan xanuunka coronavirus iyo qaabka ugu wacan ee la iskaga ilaalin karo, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Haddii aan ahay Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal waxaan u arkaa arin wanaagsan oo sharaf leh bog cusub oo inoo furmay, xagga siyaasadda iyo hoggaaminta dalka, waana hambalyeynayaa kulankaas ay iskugu yimaaddeen shanta madax qaran ee kala ah Madaxweynaha dalka Madaxweyne Muuse BIixi, labada Gole Qaran Guddoomiyayaashooda Guddoomiye Baashe iyo Guddoomiye Saleebaan, iyo madaxda labada Xisbi Guddoomiye Faysal iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan, dabcan saddexda Xisbina way noqonayaan oo aan yidhaahdo labada Xisbi Mucaarad iyo Xisbiga muxaafidka oo Madaxweynuhu waa Guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka, oo markii hore ayey kulan iskugu yimaaddeen Saddexda Xisbi, markii dambena labada Guddoomiye ee labada Gole ayaa lagu soo marti-qaaday, kulanka waa kulan wanaagsan oo dadka ka baa’biiyey niyad jab xun, oo ka taagna waddanka, midnimana way muujiyeen oo waan ku hambalyeynayaa waliba way fiicnaan lahayd inuu sawirkaas ku jiro Guddoomiyaha Maxkamadda sare Guddoomiye Aadan Xaaji Cali, si ay Hay’addaasina ay uga muuqato, waayo waa garsoorkii”.
Mar uu ka hadlayey Madax-dhaqameedka ayaa yidhi “Beryahan dambe erayo ay Siyaasiyiintu caadaysteen ayey Madax-dhaqameedkuna ka daba qaateen, marka hore Madax-dhaqameedka waan ixtiramayaa, Madax-dhaqameedku waxay ka tirsan yihiin Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaanse Madax-dhaqameedka waydiinayaa su’aalo ah shanta Soomaaliyeed mid waliba wuxuu leeyahay Madax-dhaqameed, Imaam, Malaaqyo, Suldaano, Garaado iyo Boqoro, kuwaasi codsi miyey u soo gudbiyeen ay leeyihiin haddii aynu Madax-dhaqameedka Soomaaliyeed nahay aanu ka wada shirno danaha Soomaaliya khuseeya, miyey u soo gudbiyeen, waa kuwan iyagu u farda fuulaye, ta labaad miyaanay Xukuumadda u xilsaaran oo waddanka matasha, miyey Xukuumaddu u igmatay iyaga oo tidhi Madax-dhaqameedaw idinku hadla, ta saddexaad ee meesha ku jirtaa waxaa weeye waxaasi is barbar yaac iyo bahdilid dadka la bah-dilayo, sida erayada la inala bartay ee ah Ictiraaf baynu la’nahay”
Xildhibaanku waxa kale oo uu ka hadlay “Midnimada iyo kala bixidu khasab maaha ee waa ikhtiyaar, shanta Soomaaliyeed ayay Hargeysi isla doonaysay inay isku keento markii ay waydeyna dib ayey uga noqotay, Somaliland iyo Soomaaliya ma wada-hadlayaan, Barlamaankana waxaan u soo jeedinayaa in la xidho arirnkii waagii Xukuumaddii Siillaanyo joogay ee uu kaga codsaday in loo fasaxo inuu la hadlo Soomaaliya, lala hadli maayo oo waa la xidhayaa, Golayaashuna haddii Allaah yidhaahdo way xidhi doonaan, waxaanu ka beddelaynaa haddii shantii Soomaaliyeed Hargeysa imanayso, oo ay doonayso inay shantii midawdo, Soomaali weyntan lagu cel-celinayaa maaha Hargeysa iyo Muqdisho, waa shanta oo isku yimaadda oo isku waafaqa inay midawbeen”.ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay Siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee Soomaaliya taga “Kii shaqo tagayaa waa fasax, imisa ayaa Hargeysa dhexdeeda jooga oo Soomaaliya ka yimid oo ka xoogsanaya, imisa Soomaali Itoobiya jooga, oo wax walba iibinaya, imisa Soomaali-jabuuti jooga halkan oo wax walba iibsanaya oo ka ganacsanaya, imisa Soomaali-kenyaan halkan jooga oo wax walba ka ganacsanaya, waxaan aad iyo aad tacsi ugu dirayaa niman halkan Masuuliyiin ka ahaan jiray oo halkan jagooyin ka hayn jiray, oo markay halkaas tageen laga dhigay wax qafilan, way qafilan yihiin ee ALLE ha u gargaaro, kuwaas Soomaaliyana waxaan leeyahay haddii aad doonaysaan inay Soomaali isku soo hilawdo kuwaas qafilan ee aad kaga hadlinaysaan ka daaya. Ta labaad dhalinyarada iyo dadka aad leedihiin kaalaya waa bililiqaysi.”
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay in Somaliland Magacaabanayso halka Wada-hadallada lagu qabanayo “Somaliland iyada ayaa magacaabanaysa meesha wada-hadallada, waa marka la helo cid dhex-dhexaad ah oo aan Turki ahayn, oo aan Carab ahayn, oo aan ahayn Waddamada Geeska Afrika ee aanu isku soo xigno, balse ah Afrikada kale iyo Qaramada Midoobay haddii ay dhex ka noqon karto”.