Xildhibaan Raambo Oo Farriin Adag U Diray Xasan Sheekh & Taariikhda Generaal Caydiid Ee Baligubadle

0
85
Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac Raambo

Baligubadle (Geeska) – Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada JSL oo ka mid ahaa madaxda Madaxweynaha soo ku soo dhaweeyay Baligubadle, ayaa sheegay in shacabka gobolka Hawd uu diyaar u yahay difaaca iyo doorashadaba “Madaxweyne, Shacabka gobolka Hawd, doorashada iyo difaaca Qarankaba waa kuula diyaar..” ayuu yidhi,  waxaanu intaa ku daray oo uu si adag uga hadlay gardarrada Soomaaliya, waxaanu sheegay in shacabka Baligubadle xasuusan yihiin wixii ah tareen Generaal Maxamed Faarax Caydiid oo Xasan Sheekh adeerkii ahaa, sidaa awgeedna aanay Somaliland ka filayn Xasan Sheekh inuu ku gardaroodo “Madaxweyne, waxaynu ku jirnaa xaalad Dawladda Soomaaliya ee taagta-darani inoo soo bu’ayso, waxaynu u sheegaynaa Dawladda Soomaaliya 1989-kii, Magaalada Baligubadle waa lagu shiray oo waxa laga gelbiyey Alle ha u naxariistee Maxamed Faarax Caydiid oo ay isku reer yihiin Xasan Sheekha Maanta la inooga tag la’yahay, General Caydiid, qof kasta oo Baligubadle joogay wuu gelbiyey, kii lax hastay iyo kii Ri haystay, Caydiidna wuxuu soo dhiciyey gursiga uu Maanta Xasan Sheekh ku fadhiyo..” ayuu yidhi, waxaanu Intaa ku daray “Xasan Sheekh iyo Dawladdiisaba waxaanu sheegaynaa, haddii nabaddu kugu filaan wayday, waa inoo gurigaaga.”