Xildhibaan Qabile Oo Xukuumada Uga Digay In Cid Gaar Ah Loo Gacangeliyo Laydhka Berbera

0
505

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Xilidhbaanada Mucaaradka ee Golaha Wakiilada, isla markaana ka tirsan Xisbiga UCID, ayaa sheegay inay Xukuumadda Somaliland wado qorshe ay doonayso inay Shirkad gaar loo leeyahay ay ku wareejiso Wakaalada Laydhka ee Magaalo Madaxda Saaxil ee Berbera, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in aanay arintaas ku dhaqaaqin oo cid gaar ah ku wareejin Laydhka Berbera, waxaanu xusay inay arintaasi khatar iyo dhibaato u horseedi doonto dadka reer Berbera.

Xildhibaan Ibraahim Faarax Qabile ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), aanu u fulin Magaalada Berbera waxyaabo badan oo uu u balanqaaday wakhtigii Mucaaradka ahaa, waxaanu yidhi isaga oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika “Waxaan jecel ahay in aan ka hadlo arimo la isla dhex maraayey oo ah in Laydhka Berbera la doonayo in lagu wareejiyo Shirkad gaar loo leeyahay, Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera waa Magaalo Xeebeed, waxa ay leedahay cimilo adag, baahi aanay Magaalooyinka kale u qabin ayey u qabtaa Laydhka iyo Biyaha, waxaanan qabaa haddii Gacan gaar ah la galiyo in Laydhkaasi uu qaali ku noqonayo dadweynaha  Magaalo Xeebeedka Berbera, sidaas darteed, iyada oo Berberi ay tahay Magaalada dakhliga ugu badan Somaliland  ka soo baxayey, Xukuumadda waxa la gudboon in Biyaha iyo Laydhka in aanay midna galin Gacmo gaar ah, ama Shirkado gaar ah, laakiin ay kabto, sidaas darteed waxa aan uga digayaa Xukuumadda in Biyaha iyo Laydhka aanay u gacan gelin cid gaar ah”.

Xidhibaan Ibraahim Faarax Qabile ayaa mar uu ka hadlaayey wakhtigii uu Madaxweynuhu ahaa Mucaaradka iyo balanqaadkiisi Berbera ayaa yidhi “Madaxweyne Siillaanyo, wakhtigii uu ku jiray Ololaha labada shey ee ugu badan ee uu balan qaaday ayey ahayd Biyaha iyo Laydhka Berberi, midna wax badani kumay kordhin, Mishiino yar yar oo lagu soo kordhiyey mooye, waxaana leeyahay arintan yaan lagu deg degin,Berbera waxa ay Biyuhu uga yimadaan Durdurka Dubaareed, waxaana la sameeyn karaa xal ah in ceelal lagu kordhin karo, waxaana rajaynayaa inay Dawladdu gacanta ku hayso Laydhka iyo Biyaha Berbera, inta badan dadka reer Berbera waxa ay ku xagaa  baxaan Burco iyo Hargeysa, boqolkiiba kontona ma soo noqdaan, taasna waxa keeni karta biyo yaraan iyo laydh la’aanta haysata Berbera, marka iyada oo ay awalba ay dhib ku ahayd Berbera Laydhka iyo Biyuhuba haddii la yidhaahdo cid gaar ah ayaa lagu wareejinaya miyaanay ka sii darayn, waana ayaan daro weyn, markaas waxa aan odhan lahaa maaha in lagu deg dego, laakiin waxa haboon inay Gacanta Dawladda aanu ku bixin, oo ay iyadu ilaaliso, isla markaana wixii dhaqaale ah ee markaas loo baahdo ay ku darto”.