Xildhibaan Qabile Oo Ka Digay Faro-gelinta Soomaaliya, Farriina U Diray Madaxweyne Biixi

0
530

Hargeysa (Geeska) – Xidlhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay inuu ka shaqeeyo midnimada iyo wada-jirka ummadda, kana taxadiro wax kasta oo lagu kala qaybin karo, Soomaaliya kaga faa’iidaysan karto.

Xidlhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dawladda Soomaaliya inay dadkeena soo dhex gasho oo ay isku daydo inay Somaliland fidno iyo dhibaato ka dhex abuurto waa dhaqankeeda, laakiin inay dhaqanadan oo kale samayso waa ku khalad, wax u wanaagsana maaha, Dawladda Soomaaliyana intay Somaliland ku mashquulsan tahay waxaa u wanaagsan inay iyadu hawlaha baylahda ka ah wax ka qabato, ee Madaxweynaha ogow in Maraykanku markuu Ciraaq weerarka ku qaadayey inuu Ciraaqiyiin u soo dhex maray ee dadkaaga midee, oo midnimadooda ku dedaal, oo ka digtoonow wax kasta oo dadkaaga lagaga faa’iidaysan karo, ha noqoto lacag loo qaybiyo ama ha noqoto baraha bulshada oo loo soo dhex maro, dadkana waxaan leeyahay dalkiina ilaashada, oo iska ilaaliya inaad shilimaad ku doorsataan dhismaha dalkiina oo wax loo dhimo”.

Dhanka kale, wuxuu Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay aad uga taxadiraan halista xanuunka Koronaha.