Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Dhaweeyay In Dib Loo Furo Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya

0
531

Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay in dib loo bilaabo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo istaagay.

Madaxweyen Farmaajo oo shalay hadal ka jeediyay kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo hadal uu Madaxweyne Biixi hore u sheegay, “Dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin, waanan soo dh awaynayaa hadalkii walaalkay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku aqbalay inaan dib u bilowno wada hadaladeenii, wax ksata oo jirana aan ku dhammayno walaaltinimo, wada hadal iyo is afgarad.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.