Xildhibaan Obsiiye Oo Ka Hadlay Isbahaysiga Waddani Ku Biiray

0
552

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye,oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana mid ah Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa ka hadlay Siyaasiyiinta Isbahaysiga Kulmiye ee ku biiray Waddani, waxaanu sheegay in Isbahaysigu ay ahaayeen  Wasiiro ka tirsan Xukuumaddan isla markaana ay ahayeen Wasaaradda ugu awooda badnaa.

1

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa yidhi “Qof walba isaga ayaa akhtiyaarka leh oo Xisbiga uu doono ayuu ku biiraya, Xisbiga uu doonana wuu ka baxaya, cidina ma qasbi karto, balse Siyaasiyiintan Isbahaysiga, markii ay ka tirsanaayeen Xukuumadda, kuna jireen Golaha Wasiiradda, waxay Wasiiro ka ahaayeen Wasaaradaha ugu cul-culus, ugu awooda badan uguna misaaniyada badan, markaas iyagaa iskood iskaga tagay,oo isku casilay,waxay doonaan ha ku cawdaan balse wey awoodeen in Xisbiga dhexdiisa ka tartamaan, laakiin waxay door bideen inay is casilaan, XIsbigana iskaga tagaan, iyadoo aanay cidina eriyin, xilkana aan laga qaadin,xubinimada Xisbiga Kulmiyena aan laga saarin, sidaas oo ay tahay haddii ay Xisbiga Waddani ku biireen waa caadi, ee bal aynu eegno waxay ku soo kordhiyaan”.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, ayaa mar uu ka hadlaayey Ololaha ayaa yidhi “Wakhtigan lama gaadhin ololihii Doorashada, inta badana marka la gaadho Ololaha Xisbiyadu waxay doonaan ayey iska sheegaan oo aad ayey isku dhaliilaan, laakiin anigu waxaan leeyahay madaama aynu nahay dad islaam ah oo ALLE ka cabsanaya kalmad walba oo afkeena ka soo baxda waa la qorayaa ee aynu ku dadaalno in mar walba hadalkeena aynu hagaajino”.