Xildhibaan Naqdiyay Saami Qaybsiga Guddiga Cadaalada Ee Wakiilada

0
695

 

Hargaysa(Geeska) Xilidhibaan Cabdiqaarid Jaamc Xaamud oo ka tirsan golaha wakiilada ee Somaliland ayaa canbaarayn u soo jeediyaay gudiga cadaalda ee golaha wakiilada isaga oo gudiga ku tilmaamay in aanay shaqadooda si fiican u gudanaynin isl markaana ay galeen eex iyo waxyaabo lamida.

Xildhibaanka ayaa waxa uu ku sheegay sidaasi shir jaraa’id oo uu ku qabtay golaha wakiilada. Shirkaas jaraa’id oo uu uga gol lahaa in lagu saxo cadaalda golaha dhexdiisa, isla markaaana aan laga qadin xubnaha guddida cadaalda beesha harti. Ugu horayn xidhibaanku isag oo arintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa jiray gudiga cadaalda oo wakhtigii ka dhamaaday oo golahayga labdii sanaba mar la ansixin jiray, markuu wakhtigii ka dhamaaday waxa loo dhiibay gudidad cadaalda ee golaha wakiilada waxa loo dhiibay 5/10/2010 sandkaa iyo waliba dheeraad guddana waxa loogu talo galay inaany haysan marshuuc sharci mudo todabaada, waxna jira lix xubnood oo ay soo saareen markaa waxa jiray laba xubnood oo iyagu modo soo shaqanayay oo ilaa gobalad soo maray waxaanay ahayd inay cadaaldau sameeyaan iyagu ay meesha ka soo daraan labdii xubnood ee jiray, haday cod xubnahaasi golaha ka waayaan nasiib kod weeyaaan.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamc Xuseen isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“ Waxa layidhi gudi go’aan ku raagtay ama waxbay ka dhimayaan ama waxbay ku darayaan. Runtii gudigaasu cadaald daray sameeyeen, xibno iyaga kamida waa ay hadleen oo waxa ay yidhaahdeen gudigu qaab cadaalda warqada xubnaa umay gudbine ku celiya. Gudoomiyaha ayaan u gudbinay waanan kala hadlnay lakiin hadl kaloo dhagaraysan ayaa ay gudoomiyaha u gudbiyeen. Waanan ka wada hadalnay xataa qoladayda harti oo waxaan nidhi ninka imika jooga haloo daayo oo sidaa halgu gudbiyo. Waxa naga dhex kacay ninkale oo hartiya oo aan nala tashan waxaanu yidhi kursigii harti waa naga galbis oo waan bixinay, arintaasu nama qabto waana cadaalad daro kamaanu tashan, anaguna waxaan isku qancinay harti ahaan hadii guddida cadaalda laba xubnood aad ku yeelataan sidaasi waa cadaalad gudoomiyahna u codeeya. Markaa si uu qaranku ku socdo waa in cadaalda dib loogu noqdaa oo aanu golahu dhabarka ka jabin cadaalda”