Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada ee ka soo jeeda xisbiga KULMIYE, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadal uu guddoomiye xigeenka xisbiga Waddani si kulul ugu weeraray Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.
Xildhibaan Nacnac oo shalay u waramay Geeska Afrika, wuxuu hadalka Md. Axmed Muumin Seed ku tilmaamay mid aan macno lahayn “Waxaan la yaabanay ninkaas Muumin Seed ee maanta dagaal ku baaqaya ee wadanku wuxuu soo maray aan ogayn wixii rag u soo dhintay iyo wixii lala soo maray toona ee maanta ku dhawaaqaya dagaal aanu waxba ka tari karin.” Ayuu yidhi xildhibaan Nacnac, waxaanu intaas raaciyay,
“Taasina waxay na tusaysaa inaanu halganadii kala duwanaa ee dalka loo soo maray iyo dib u heshiisiintii midna waxba ku darsan ee uu maanta uun siyaasadda kaga soo booday xisbiga Waddani. Taasina waxay na tusaysaa in aanaan hadalkiisan la yaabin, sababtoo ah waa hadal macno darro ah. Waxaan u sheegayaa inaan doorasho la qaban karin ilaa la sameeyo diiwaangelin oo la kala hubsado muwaadiniinta reer Somaliland iyo dadka kale ee ku dhex jira, mana aha arrimahaasi kuwo isaga u yaala ee waa ku qaranka iyo madaxdiisa u taala.” Wuxuu xildhibaan Nacnac sheegay inuu aaminsanyahay inaanu xisbiga Waddani la qabin hadalada ka soo yeedhay Md. Muumin Seed, “Xisbiga Waddani waa xisbi ka naxaya dalka oo ka doonaya mustaqbal iyo rajo, markaas waxaan aaminsanahay inaanu la qabin hadaladaas deel-qaafka ah ee ka soo yeedhay Axmed Muumin Seed.”
Ugu dambayn wuxuu xildhibaan Nacnac yidhi, “Axmed Muumin Seedoow, ninka [Madaxweynaha] aad u hanjabaysaa waa ninkii hoggaaminayay halgankii aad maqashay oo nin waxaas dheg u dhigaya maaha ee xisaabta ku darso.”