Xildhibaan Naasir Cali Shire Siduu U Karkaa Inuu Isna Mucaarad Yahay, Walaalkii Wasiir Sacadna Muxaafid Yahay?

0
512

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada kana tirsan xisbiga Waddani ee mucaaradka, ayaa ka hadlay Misaaniyada,waxaanu sheegay inay Golaha Wakiiladu xaq u leeyihiin inay wax ka badal ku sameeyaan Misaaniyadda, waxaanu Wasaaradda Maaliyadda ugu baaqay inay sameeyso maamul daadajin, si Goboladu Misaaniyadda ay xaqa u leeyihiin u helaan.

dddddddddddd

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu arko inuu isagu mucaarad yahay, Wasiirka Arrimaha Dibada Sacad Cali Shire oo walaalkii ahna uu yahay Muxaafid, waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya miisaaniyada uu  yidhi "Golaha Wakiiladu xaq ayey u leeyihiin in Miisaaniyadda wax ka bedal ku sameeyaan, dibna u eegaan, wixii khaldana ay dib u saxaan, Guddida ilaalinta  hantida Qaranke ee Golaha Wakiilada iyo Wasaaradda Maaliyaddu waxay isku ogaayeen in Wasaaraddu maamul daadejin sameeyso, oo Goboladu misaaniyaddii ay xaq u lahaayeen inay helaan, waxaana leeyahay Wasaaradda  fadlan maamul daadajin sameeya".

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo uu Geeska Afrika weydiiyay  sida ay dadku u arkaan inuu isagu Mucaarad noqdo, walaalkii oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada Sacad Cali Shire uu isna Xukuumadda ka mid noqdo ayaa yidhi "Dadku waa kala afkaar, in aniga iyo walaalkay aan kala afkaar noqonay oo uu isaguna Xukuumadda uu ka mid noqdo aniguna aan Mucaaradka gaar ahaan Xisbiga Waddani aan ka mid noqdo wax dhib ahi kuma jirto, balse anigu  si gaar ah uma amaanayo walaalkay Sacad Cali Shire balse  talaabada fiican ee uu qaaday waa la wada arkaayey, waxaana uu iskugu yeedhay Safiiradii Somaliland u fadhiyey Caalamka, isaga oo sidoo kalena u yeedhay Marwo Edna Aadan, Amasadoor Cawil iyo Prof: Gees, waxaana Shirkaas  lagu lafo gurayey Siyaasada Arrimaha Dibada lagu qabtay Hargeysa go'aano muhiim ah ayaana ka soo baxay, aniguna waan ka qayb galay Shirkaas talooyin badana waa la siiyey"

Dhinaca kale Naasir Cali Shire ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray Bulshada reer Somaliland waxaanu ku bogaadiyey Sannadka cusub ee 2016, waxaanu sidoo kale Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay diiwaangelinta cod bixiyayaasha wada qaateen si Doorashadu u dhacdo.