Xildhibaan Ku Taliyey In Si Toos Ah Loo Dhaqangaliyo Heshiiska Labada Beelood Gaadheen

0
631

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Jamaal Xuseen Cawad, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Ceel-afweyn, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan heshiiskii dhexmaray labada beelood ee wada dega Ceel-afweyn, waxaanu sheegay inuu soo dhaweeynayo heshiiska, balse wuxu soo jeediyey in si toos ah loo dhaqan-galiyo qodobada ka soo baxay.

Xildhibaan Jamaal Xuseen Cawad,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Heshiiska ka dhacay Ceel-afweyn, waa heshiis loo baahna, oo aad loogu wada farxay, waxaana aad iyo aad ugu mahadnaqayaa cid kasta oo gacan ka geystay heshiiskani inuu dhaco, marar badan ayuu lbada beelood heshiis dhexmaray, waxaan se ILLAAHAY aynu ka baryeynaa inuu heshiiskani noqdo heshiis aan waligii jabin, labada beeloodna waxaan ku gubaabinayaa mar walba isku xidhnada, oo isku duubnada, fidno kasta oo dhexdiina la dhigana ka digtoonada, qodobada ka soo baxay heshiiska Ceel-afweyn in sidooda u fulaan oo la dhaqan-galiyo ayaan ku tali nayaa, Xukuumadduna doorkeeda ha ka qaadato”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here