Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, gaar ahaana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa ka hadlay Diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo maanta Gobolka Togdheer ka bilaabmaysa, waxaanu ka digay in Diiwangelintani ay fashilanto, lana mid noqoto Diiwaangelintii Madaniga ahayd, oo si wanaagsan aan uga wada hirgelin dalka.
Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay is diiwaangeliyaan, oo aanay fursada diiwaangelintu dhaafin, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Diiwaangelintu waxa ay Gobolka Togdheer ka soconaysaa 28-cisho, inay Bulshadu ka faa’iidaysto fursadaas Diiwaangelinta ayaa wacan,muddadaas ay Goboka Togdheer ka soconayso iyo Gobolada kale in laga faa’iidaysto oo kaadhka Diiwaangelinta cod bixiyayaasha la qaato ayaan ku talinayaa,waxa jira dad badan oo iyagu hawd jira ama xadka ka talaabsan, markaas in dadkaas la soo qaado, oo aanay diwaangelintu dhaafin ayaan ku talinayaa, dadku hadda fursad ay isku diiwaangeliyaan oo ay kaadhka ku qaatan ayey haystaan, hadhaw haddii ay dhaafto diwaangelintu heli mayaan fursad ay codkoodu ku dhiibtaan, xuquuqda ay ku codeeynayaana wey dhaafaysaa, oo heli maayaan, Xisbiyaduna waxa ay ku kala guulaysanayaan hadba dadkooda iyo taageerayashooda qaatay kaadhka diiwaangelinta codbiyaha, ee ha la is wada diiwaangelinayo”.
Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf ayaa mar uu ka hadlaayey Diiwaangelintii Madaniga ahayd ayaa yidhi “Waxa aan ka digaya in aanay Diwaangelintani inaga noqon sidii Diiwaangelintii madaniga ahayd, oo si wanaagsan aan uga wada hirgelin dalka”