Burco(Geeska)-Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mid ah mudanaaysha Wakiiladda ee ka soo baxay gobolka Togdheer ayaa ku baaqay in Markhaatiyo loo sameeyo isla markaana bulshadda Caalamka loo soo bandhigo heshiiskii Axsaabta Mucaaridka iyo Xukuumadu ka gaadheen Khilaafkii Diiwaangelinta Madaniga ah ,si madmadowga looga ilaaliyo.
Sidoo kale Xildhibaanka oo Burco ugu waramay Geeska Afrika yaa Xukuumadda Siilaanyo ugu baaqay in ay soo qabato Gacan ku dhiiglihii dilay Labadii Sarkaal ee Ciidanka Qaranka ka tirsanaa degmadda Qorulugad isla markaana waxa uu naqdiyay qaabka Xukuumadu uga hawlgashay . “ Marka hore heshiiskaasi waxaan u arkaa Heshiis sax ah oo lagukala gar helay maadaama labadii kaadh aan laysku xidhin ,waxaanan leeyahay waa in heshiiska la cadeeyo oo Qoraalo la kala saxeexdo ,oo markhaatiyaal loo yeelo ,oo beesha caalamka loo soo bandhigo iyo bulshadda Somaliland ,si aaney Xukuumadda Siilaanyo uga bixin heshiiskaasi isla markaana madmadowga loohga saarro wixii lagu heshiiyay.”
Isagoo ka hadlaya dilkii saraakiisha wuxuu yidhi “Mida kale waxaan leeyahay Saraakiishaasi la dilay ee lagu dilay Qorulugad ,marka hore Tacsi ayaan u dirayaa ,marka labaad-na aad iyo aad ayaan u cambaaraynayaa in gacan ku dhiiglihii dilka gaystay baxsado, Xukuumadda-na Ceeb weyn ayay ku ahayd waxaan leeyahay Gacan- ku dhiiglihii dilkaasi gaystay ,waa in Xukuumadda Siilaanyo soo qabato oo cadaalada horkeento isaga iyo ragii falkaasi ku gacansiiyay sidaasi ayuu dadku ku bugsan-karaa “ Sidaasi ayuu hadalkiisa kaga baxay Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan.