Xildhibaan Ka Tirsan Deegaanka Borama Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Axmed Muumin Seed

0
768

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Mukhtaar Cabdillaahi Ducaale (Indho-sheed) oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Borama, ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay gudomiye-xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo nuxurkoodu ahaa inuu xisbiga Waddani ugu hanjabay magaalada Borama.

1

Xildhibaan Mukhtaar oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Borama, wuxuu sheegay inaan xisbiga Waddani aanu Muumin Seed ugu hanjabi karin “Boorama waa magaalo la wada leeyahay cid walba way degtaa cidna ma sheegan karto Baarama, Waddanina cidi uma sheegan karto, uguma hanjabi karto,  waa magaaladaa la wada leeyahay, cid walba way degtaa malaha meel kale inuu ku hanjabay ahayde Guddoomiye xigeenka xisbigu. Ma ahayn waxa ku ceeba inuu yidhaahdo waa inoo Waddani iyo Boorama waayo Sanaag buu u ahaa madax, Laascaanood buu u ahaa, Hargeysuu u ahaa Gobolladoo dhan buu Guddoomiye ku xigeen ka ahaa sidaasaa lagu ictiqaadsanaa, lagu dabo fadhiyey lagu doortay waxa weeyaan uu ka ahaa Guddoomiye ku xigeen.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Maanta inuu ku soo noqdo oo uu yidhaahdo waa inoo Waddani iyo Boorama ceebay ku tahay waxa weeyaan Axmed Muumin Seed Xisbiga waxbaan taray buu yidhaahdaa waxba isagu ma tarine Xisbigaa wax taray Muumin Seed, Guddomiye ku xigeen baa laga  dhigay isaga oo Guddoomiye Gobola oo waliba looga tanaasulay oo ninka maanta la tartamayey ee Maxamed Cali uga tanaasulay ee Guddomiye xigeen laga dhigay .”

Ugu dambayn isagoo la hadlaya Axmed Muumin Seed wuxuu xildhibaanku yidhi “Axmed Muumin Seed magac buu ku yeeshay Xisbiga maktabaddaa uu maanta jooguu gaadhsiiyey waa la bartay Xisbiga magac buu ku yeeshay wuu soo saaray Xisbigu isaguu wax u taray Xisbiguye isaga waxba ma tarin Xisbiga. Waxaan leeyahay Axmedaw tii waa tii guddoomiye-nimadaan kugu daba joognay maanta ma ahayn inaad maalintii lagaa guulaystay inaad kaga tagto ee inaad taageertay ahayd oo aad hambalyeyso oo waxa weeyaan Xisbiga aad sii dhex joogto, Axmed waxaan leeyahay meel kale ka heli maysid meeshaad maanta taagan tahay Kulmiye-na ka heli maysid Ucid-na ka heli mayside waxaan ku leeyahay Xisbigaagii joog.”