Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay isku shandhayntii uu Madaxweynuhu dhawaan ku sameeyey Xukuumaddiisa, waxaanu sheegay inuu Madaxweynuhu xaq u leeyahay isku shandhaynta balse waxa tilmaamay in isku shandhayntani ka turjumayso fashilaad ku timid Xukuumaddiisa iyo Golihiisa Wasiiradda.
Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya yidhi “Madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay inuu isku shaandhayn, xil ka qaadis iyo magacaabis uu ku sameeyo Golihiisa Wasiiradda, Dastuurkaana siiyey, laakiin isku shandhaynta is daba jooga ah ee Madaxweynuhu ku sameeynayo Golihiisa Wasiiradda waa fashilaad ku timid Xukuumaddiisa, waxaana run ah in Xukuumaddan Kulmiye uu Madaxweynuhu madaxda u yahay inay lumisay kalsoonidii shacabka, is bedelka joogtada ah iyo isku shandhayntan Madaxweynahana waa mid uu is leeyahay dadku hadba ha arkaan wejiyo iyo wasiiro cusub, si aad u kasbato kalsoonida Shacabka, laakiin mid suurtagal ah maaha, Shacabkii wuu ka niyad jabay Xukuumaddan, Kulmiyena waa laga dareeray, in Madaxweynuhu isku shandhayntan sameeyo iyada oo la isku diyaarinayo Doorashooyin wax qiimo leh oo ay sameeynaysaa ma jirto”.
Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Wax ka soo naaso cad wada hadaladaas ma jiraan, Somaliland muddo dhawr iyo laabtan sanno ayey jirtay oo beesha caalamka aqoonsi ka raadinaysay, waxa aan marka hore ku talinayaa inagu aynu gudaheena ka dadaalno, markaas ayuu aqoonsigu iman doonaaye, oo aynu dhisno dhaqaaleena, iyo nidaamkeena dawladnimo”