Xildhibaan Guurtida Ka Tirsan Oo Sheegay Inuu Dacwad Ka Dhan Ah Heshiiska Xisbiyada Maxkamadda Sare U Gudbinayo

0
663

picHargeysa(Geeska):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac (Shaadh), oo ka mid ah mudaneyaasha aqalka golaha Guurtida Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in ay maxkamada sare geynayaan dacwad ka dhan ah dhammaanba cidii ka qayb gashay heshiiskii ay sadexda xisbi iyo xukuumadu ka gaadheen khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta, waxaana uu carabka ku adkeeyey in go’aankii ka soo baxay golaha Guurtidu uu yahay mid sharci ah isla mar ahaantaana aanay cid bedeli karin.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac(Shaadh), ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu sida oo kale sheegay in uu la yaaban yahay sababta ay xukuumada hada jirta u hor-joogsanayso go’aanka muddo kordhinta ah ee golaha Guurtidu u sameeyey.

"Marka hore golaha Guurtida, waxaa loo sameeyey haddii ay dawlad la'aani dhacdo ama lays qabsado ama muran uu dhaco waa golahii kala saarayey ee ay ahaydna in ay illaaliso dawlada iyo dadkaba, qodob ayaana annaga nasiinaaya waxa aanu kordhinay, dibna loogama noqon karo, waxaanu maxkamada weydiisanaynaa oo aanu qoraal u samaysanaynaa waxa Allaale iyo waxii heshiiskaas ka qayb galay ama madaxweyne ha ka qeyb galo, wasiir ama xisbiyada qaranku ka qayb galeene, maxkamad ayaanu isla tagaynaa qoraalna waanu samaynaynaa aniga oo gudida shuruucda ka hadlaaya ee golaha Guurtida.".Ayuu yidhi Xildhibaan Shaadh.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac(Shaadh) oo sida oo kale  hadalkiisa sii wata, ayaa ugu baaqay shacbiga Somaliland in aanay dheg u taagin heshiiskii ka soo baxay xisbiyada, waxaana uu sheegay in heshiiskaasi yahay mid sharci darro isla mar ahaantaana go’aanka Guurtidu uu yahay mid sharciya oo aan la bedeli karin.

"Dadka shicibka ahna waxaan leeyahay waxba ha u dhegtaagina, heshiiska ay gaadheena wax ka jiraa ma jiraan, waa go'aan Guurti oo go'ay Sagaal jeer ayaa la kordhiyey meel walba wali madaxweyne dib u soo celiya lama arkin, kan imikana waan la yaabanahay, waa dawlad la'aan oo aan waxba ahayn.".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Shaadh.