Xildhibaan Guurti Ah Oo Ka Horyimid Wareegto Uu Wasiirka Arrimaha Guduhu Soo Saaray

0
582

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa si adag uga hadlay wareegtadii uu Wasiirka Arrimaha Gudduhu uu ka soo saaray kaadhka Aqoonsiga, waxayna sheegeen in Wasiirku uu ku deg degay wareegtaydaas oo loo baahna in dalka oo dhan la gaadhsiiyo kaadhka Diiwaangelinta Aqoonsiga, waxa kale oo ay ka hadleen xaalada nabadgalyo ee dalka, iyaga oo sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyey ay dilalku soo badanayeen, balse Boolisku waajibkiisa ka gudunaayey, isla markaana ay qabteen dadkii gacan ku dhiiglayasha ahaa.

1

Kalfadhigii Shalay ee Guurtida oo uu gudoominayo Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxa kale oo lagaga hadlay xaalada nabadgaliyo ee dalka.

Xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan,oo ka tirsan Xildhibaanada Guurtida oo uu isagu si adag u hadlay, hadalkiisuna uu keenay inuu Guddoomiyaha Guurtidu ka xanaaqo ayaa yidhi "Gobolka Sanaag, waxa aan soo jeedinayaa inay Golaha Guurtida iyo Xukuumadduba ka hawlgalaan, waayo waxa jira Beelo badan oo madaxa iskula jira, marka si ay Doorashadu si nabadgalyo ah uga dhacdo, waxa aan soo jeedinaya in dadkaas walaalaha ah la heshiisiyo, waxa kale oo aan soo jeedinaya in labaatanka degmo ee Barriga dadka ku nool in la siiyo kaadhkii aqoonsiga, oo Wasiirka Arrimaha Gudduhu ha ka furo xafiiskii Diiwaangelinta madaniga, si dadku u qaatan kaadhka Aqoonsiga, waa sharci dastuuriya oo qof kasta waajib ku ah, waxaana khalad ah in qof muwaadin ah oo aan kaadhkii loo geynin in la yidhaahdo hudheelka ka soo baxa waa lagu xidhayaaye,waxa aan leeyahay Wasiirku ha ka hawlgalo, oo deegaanada kaadhadhka aqoonsiga aan la gaadhsiin ha la gaadhsiiyo sida Xudun, Taleex, Dharkeenlay, Boocane, Widh-widh, Buhoodle iyo Deegaanada kale ee Somaliland, Wasiirku ha geeyo kaadhka aqoonsiga, laakiin in la yidhaahdo dadka waa la xidh-xidhaya oo hudheelada seexan maayaan, waa xad gudub, in qof walba oo muwaadin ahina xaqiisa helo ayaa waajib ah, waxaana leeyahay Wasiirku wareegtadaas si deg deg ah ha uga noqdo, oo kaadhka Diiwaangelinta ha la wada qaato".

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa si gaar ah uga hadlay hadalka Xidhibaankan, waxaanu yidhi "Nabadgalyadu guud ahaan waar yaaa ma xuma, Dhacdo dhiilo leh ayaa imanaya, maalin walbana wey dhacaysaa, waxaynu nahay Bulsho nool, waxay se ila tahay Nabadgalyadu meel xun mari mayso"

Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dhanka kale waxa uu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka qaataan, si loo sugo nabadgalyada loona ilaaliyo sharciga dalka.