Xildhibaan Ganacstada Ugu Baaqay Inay Maceeshada Jebiyaan

0
646

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Cumar Axmed Saleebaan (Cumar Sanweyne), ayaa ka hadlay hoos u dhaca ku yimid qiimaha sarifka lacagta dollarka iyo qiimaha maceeshada ee ilaa hadda aan is bedelin, waxaanu sheegay inay Xukuumadda  ka diideen in wax cashuur ah sannadkan la kordhiyo, waxaanu Ganacsatada ugu baaqay inay jabiyaan qiimaha ay ku iibiyaan maceeshada.

1111111111111

Xildhibaan Cumar Axmed Saleebaan (Cumar Sanweyne) oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay abaarta deegaano badan oo dalka ka jirta, waxaanu ku baaqay in loo gurmado deeganada ay abuurto ka jirto,waxaanu yidhi “Qiimihi lacagta Doolarku hoos ayuu u dhacay, Xukuumaddana waan ku bogaadinayey, talabadaas ay qaaday,ee ay hoos ugu riday qiimihii doolarka, oo markii hore qaali ahaa, waxaana qiimahan hoos u dhacay ee Doolarku keenaysaa in lacagteenu qiimo yeelato, wadan kastaana waxa uu muhiimada siiya lacagtiisa, ee markaas inaynu inana mar walba muhiimada siinayo lacagteena ayaa la inooga baahan yahay”.

Xildhibaan Cumar Sanweyne ayaa mar uu ka hadlaayey qiimaha maceeshada ayaa yidhi “Xukuumadda waanu ka diidnay inay Cashuur kordhiso, Ganactaduna inay dadkooda u naxariistaan weeye, waa dhab  Wadamo fog ayey wax ka keenaan, oo ay Maraakiib soo saaraan, balse maaha inay boqolkiiba boqol dulsaartaan waxa iibinayaan, maaha inay xittaa boqolkiiba konton dulsaartaan, waa inay dulsaartaan waxa ugu macquulsan ee ku haboon waxa ay iibinayaan, mar haddii qiimihii Doolarku hoos u dhacay, ilaa hadda wax maceeshad ah oo jabtay ma jirto, ee Ganacstadu ha jabiyaan maceeshada, oo dadkooda hoos ha u eegaan”
Xildhibaan Cumar Sanweyne ayaa mar uu ka hadlaayey Abaaraha ayaa yidhi “Dalkii waxa ka jira Abaaro, deegaano badan oo dalka ayey Abaaro xoogani ka jiraan, in dadkaas Abaartu hayso loo gurmado weeye, ILLAAHAYNA waxa aynu ka baryeynaa inuu raxmaadkiisa inoo shubo, oo abaartaas inaga kaxeeyo”.