Xildhibaan Eeddo U Jeediyay Wasiirada Daakhiliga Iyo Beeraha

0
745

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa wasiirada arimaha gudaha iyo beeraha Maxamed Kaahin Axmed iyo Cabdi Muumin Seed ku eedeeyay inay dagaal ka hurinayaan Selel.

Xildhibaanka ayaa sheegay in labadan beelood midkood awood ciidan lagu difaacayo halka ta kalena dad aad u badan laga soo xidhay, waxaanu ku tilmaamay deegaanadaas in ahaatan xaalad dagaal ay ka jirto, xildhbaanka oo dagaal kooban oo ka dhacay Wadajir oo ka tirsan Selel uga waramay warbaahinta waxa uu yidhi “ Selel meesha la yidhaahdo Wadajir ayay shaqaaqadu ka dhacday maalintii uu Kulmiye Boorama ku shiraayay waatii laga soo qabqabtay dad labada reer ee meesha dega ah, shirka markii la bilaabayay ayaa xildhibaanada labada dhinacba laysugu yeedhay oo warqad nalaga saxeexay oo la yidhi meeshaas cid u dhawaan kartaa ma jirto,nalooma yeedhin ee waraaqo ayaa la sameeyay oo wasiirka beeraha, wasiirka arimaha gudaha iyo badhasaabka Selel waraaqo ayaa la sameeyay oo xoog ayaa meeshii ragii lagu dajiyay cidii  soo dhawaatana waxa la yidhi xabad ayaa lagu dhufanayaa nin ayaa ku dhaawacmay dhintayaa  iyo noolaaba war uma hayee “

Xildhibaanka oo sii hadlaayay waxa uu yidhi“ deegaankii oodhan ninka kornaylka ah ee joogay ayaa fitir faatir u qaaday oo soo xidh xidhay dadkii oodhan, magaaladii Gaarisana gidiga xalay waa uu baadhayay, reer kaliyaata ayuunbuu baadhayay reerkii kale ma taaban, reerkii kalena ciidanbaa lagu wareejiyay beertiina qota ayaa la yidhi. Waxa la soo xidhay Ciise oo dhan, wasiirka arimaha gudaha iyo beeraha ayaan arintan ku dhaliilayaa, maalintii dhawayd madaxweynu waa uu la hadlay reer Awdal waxa uu ku yidhi baribuu dagaal igaga socdaaye arintaas iga joojiya, way wadaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here