Xildhibaan Dheeg Oo Wasiirka Diinta Ku Bogaadiyay Talaabadii Uu Ka Qaaday Inantii Fanaanada Ahayd

0
603

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka tirsan golaha guurtida, ahna dhaqan yaqaan iyo abwaan, ayaa wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ku bogaadiyay talaabadii uu bandhig faneedka kaga joojiyay gabadha fanaanada ah ee lagu magacaabo Nasteexo Indho.

timthumb

Xildhibaanka oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay in wasiirku gutay arrin waajib ah oo wanaagsan sidoo kalena ay waajib ku tahay golaha guurtida, “Waxaan bogaadinayaa wasiirka diinta iyo aw qaafta Sheekh Khaliil oo arrin waajib ku ah , annaguna guurti aahaan la leenahay dalka iyo dadkaba uga wakiil yahay gutay oo si wanaagsan u gutay arrintaas oo ah gabadh dibadda iyadoo joogta telefoon ku soo kiraysatay hotel oo dadkii meesha ka ciyaarayay iyo kooxaheediina tidhi sii diyaar garooba oo sidii dal fawdo ah oo cidiba xukumin  sii kiraysatay ayuu ogaaday wasiirku; waxaanu la hadlay booliska, iyo wasaaradda wrafaafinta waxanau yidhi hala joojiyo dhaqanka iyo diintaba waa ku meel ka dhacee, markay isa soo taagtay ee la yidhi waa la mamnuucay wixii aad qabanaysay ayay diyaaradii dib ugu noqotay.” sidaas ayuu yidhi xildhibaanku, waxaanu intaas raaciyay “Marka taas oo kale la guto Alle ayaa naxariistiisa inagu soo dejinaya markaas waan bogaadinayaa wasiir Khaliil.”

Xildhibaan Dheeg waxa kale oo uu Wasiir khaliil ku bogaadiyay amaro uu dul dhigay rayiislayaasha oo la xidhiidha timo xiirashada.

Xildhibaanka oo la weydiiyay in amarka wasiirku qabanayo fanaaniinta oo dhan iyo inuu qabanayo gabadhaas oo keliya, wuxuu yidhi “Labadaba wuu qabanayaa oo haddii aan hore loo eegi jirin oo imika lagu baraarugay loo kala hiilin maayo, mid walbana xukunkaas uu wasiirku soo saaray ayaa qabanaya.”