Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere Oo Soo Dhaweeyay Go’aanka Maxkamadda Sare

0
550

Picture2Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Calain (Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, ayaa ka  hadlay go’aankii ay Maxkamaddu ka soo saartay khilaafkii siyaasadeed ee ku saabsanaa muddo kordhinta, waxaanu sheegay inuu markii horeba uu ogaa in muddo kordhintu Golaha Guurtidu uu sharci ahaa, Dastuurka uu waafaqsanaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo Wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Waxaan aad iyo aad u soo dhaweeynayaa go’aanka ay Maxkamadda Dastuuriga ah ama Maxkamadda sare ka soo saartay murankii siyaasadeed ee ku saabsanaa muddo kordhinta Guurtida ee Xukuumadda iyo Wakiilada, waxaana aad ugu amaanaya inay qaadatay go’aankii saxda ahaa ee sharciga waafaqsanaa ee ah inuu sharci yahay dastuurkana waafaqsan yahay muddo kordhinta Guurtida, isla markaana ay laasho heshiiskii Saddexda Xisbi oo sharci daro ahaa”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Anigu markii horeba waxa aan ku doodi jiray aamisanaa in go’aanka muddo kordhintu uu ahaa sax, sharciga waafaqsanaa, waxaana Madaxweynaha ku amaanaya sida sharafta leh ee uu Maxkamada ugu gudbiyey labadan qodob inay tafaasiil ka soo bixiso, isla markaana u sheegto ka saxda ah, ”