Xildhibaan Buubaa Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Amniga Dalka Sugto

0
504

443333Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba, oo ka mid ah Xilidhibaanada Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Guddida joogta ah ee Golaha Wakiilada iyo Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay falalka amni daro ee muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo kordhayey Magaalooyinka waaweyn ee dalka, gaar ahaan Caasimadda,

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa Xukuumadda ugu baaqay in amni daradan dalka ka taagan ay ka yeelato mawqif cad, isla markaana Guddi heer Qaran oo arintan wax ka qabta sameeyso,  “Mar walba waxa uu waajibka koowaad Xukuumadda ka saaran yahay sugid Amniga iyo Nabada, sidoo kale  ilaalinta Muwaadiniinta,naftooda iyo hantidoodaba waxa uu waajib Dastuuriyi ka saaran yahay Xukuumadda, cid kale oo uu ka saaran yahay ma jirto, markaas marka aynu sharciga  raacayno, dhib kasta oo ku timaada qof kasta oo muwaadin ah, ama Carruuri suuqa ha u joogsato, ama midi ha lagu qabto, oo Mobil ha laga qaadee, ama dhibaato kale ha la gaadhsiiye, waxa masuuliyadaas yeelanaysa oo dambigu fuulaya waa Xukuumadda, cid kasta oo wax lagu yeelo Miyiga ama Magaalada ama Xadka Somaliland, waxa masuuliyadaas iska leh oo loo raacaya oo dambigaasi dhakada ka fuulaya waa Xukuumadda, cida ka eedaysan ee wax ka qaban weydayna waa iyada”.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba, oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waynu ka warhaynay in bariyahan dambe laga qaylinaayey falal amni daro, oo ku soo badanaayey Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, oo Dhalinyaro kooxo kooxo ahi dadka u joogsanayeen Suuqyada iyo Diriiqyada oo Mobilada iyo waxa ay hayaanba dadka ka qaadanayeen, oo dadka qaar dhaawacyo soo gaadhsiinayeen, falalkaas soo kordhaya ee is biirsanayaa waxa ay ka imanayaan jiho laanta Dhalinyarada, Dhalinyaradu waa xooga Qaranka, xooga Qaranka leeyahay haddii ay Xukuumaddu lahayn Siyaasad cad oo ay ku jihayso waxa ay noqonayaan, nacabka ama cadawga qaranka, Xukuumaddu ay jihayn kari waydo oo ay maamuli kari waydo, xoogaasi cidla fadhi mayee waxa ay noqonaysaa inuu amniga wax yeelo iyo inuu sidoo kale Qaranka wax yeelo, waxa ay noqonaysaa in Hooyooyinka, Aabayaasha, Waalidka, Odayaasha, Wiilasha iyo Habluhu inay suuqyada u mari kari waayaan, waxa masuuliyadaas ka gaabiyey oo dambigeeda iska leh Xukuumadda,Siyaasad xumada Xukuumadda ayaana u Aabo iyo Hooyo ah in haddii gabalku dhaco in qofku ka warwaro inuu Tukaanka wax ka soo iibsado, waa dhibaato, waxaanu dambigaas ku eedaynaynaa oo aanu dusha ka saaraynaa nidaamka iyo Xukuumadda dalka ka jirta,qorsho la’aanta iyo siyaasada xumadda ku waajahan Dhalinyarada ee Xukuumaddan ayaana dhibaatadan sabab u ah,waxaana markaas leenahay haddii Siyaasad xumadan waxa laga bedeli waayo waxa imanaysa inay masiibo ku timaado Amniga yo Nabada dalka, sidaas darteed waxa aanu Xukuumadda u soo jeedinayaa inay arintaas ka feejignaato oo si deg deg Guddiyo heer qaran oo arintaas xal ka soo saarta sameeyso”. Xildhibaan Ibraahim Buuba ayaa mar uu ka hadlaayey Safarka Madaxweynaha yidhi “Safarka Madaxaweynaha tusaale looma soo qaadan karo, Madaxweynuhu waa Madaxweynihii Qaranka intaas oo Ciidan ayaa ilaalisa, Ciidamo ayaa xagga hore iyo Xagga dambe ka socda, Madaxweynuhu maamus ayuu leeyahay oo xitaa haddii uu keligii ka soo hor baxo Tuug, Tuugu waxba yeeli maayo, inuu isagu ilaaliyo oo uu gaadh ka qabto mooye,in Madaxweynaha tusaale loo soo qaato oo la yidhaahdo Madaxweynaha ayaa si nabadgeliyo ah dalka safar ku maraya waa arin nasiib daro ah, mana aha arin Tusaale loo soo qaadan karo, Xukuumadda waxa laga raba amniga Muwaadiinta, inay sheeg sheegaan Safarka Madaxaweynaha waa laga wanaagsan yahay, maxaa yeelay dalka kama jiraan kooxo Budhcad ahi, oo Madaxweynaha iyo weftigiisi dhexda u galaya, amniga dalka uu jira balse Inanta Tukaanka wax u doonaysa iyo Odayga da’da ah, ee dhexda loo istaagayo, Mindida lagu qabanayo amaankoodu yaa ka masuul ah, waxa ka masuul ah Xukuumadda, ee waa in aanay ka gaabin, ee arimahan dalka ka jira waxa ka qabataa”.