Xildhibaan Beeniyay War Laga Baahiyay Oo Sheegayay Inuu Xubno Wasiiro Ah Eedeeyay

0
656

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, ayaa beeniyay war lagu baahiyay bar internetka ah, kaas oo lagu sheegay in xildhibaanku wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland uu ku xidhiidhiyay Al-Shabaab.

Qoraal uu xildhibaanku, xalay soo gaadhsiiyay Geeska Afrika, wuxuu ku yidhi  “Waxa wax lala yaabo ah war aan sal iyo raad lahayn oo uu soo qoray shalay website-ka Kalshaale.com oo lahaa Xil C/Qaadir Jaamac Xaamud oo dawlada ku sheegaya Al-Shabaab, sida wasiirada Madaxtooyada, Maaliyada, Wasiirka hawlaha guud. Runtii dacaayad raqiis ah dalkani waxba u noqon maayo, wasiirada iyo taliyuhna waa rag hawshooda ka adag mar kasta xafiisyadooda xaadir ku ah. Kollay arintani waa arrin fool xun, qofka magaciisii iyo codkisaba laga been abuuray, wayna dambarsataa ciddii ka dambaysay arrinkan. Waxaan cod dheer ku beeninayaa warkan anigoo ah Xil C/Qaadir Jaamac Xaamud”