Hargeysa (Geeska)- Xildhibaan Judith Woodman oo ah xildhibaan xisbiga Liberal Democrats ka ee dalka Ingiriiska ugu jirta golaha deegaanka ee magaalada Cardiff isla markaana hoggaamisa xildhibaannada xisbigeeda ugu jira golahan ayaa Midowga Afrika ku eedaysay in uu ku guuldarraystay fulinta taladii ahayd aqoonsiga Somaliland ee ay u soo jeediyeen ergadii xaqiiqo raadiska ahayd ee Midowga Afrika sannadkii 2005ta u soo diray Somaliland.
Xilligaas oo wafti ballaadhan oo Midowga Afrika ka socdaa safar ku maray deegaanno badan oo Somaliland ah, ayaa warbixintii rasmiga ahayd ee ay ka diyaariyeen xaqiiqo-raadiskan uu Midowga Afrika hoos u dhigay, isla markaana iska dhego mariyey baaqoodii ahaa in Somaliland ay mudan tahay in loo aqoonsado dal madax bannaan.
“Waxa aan tixgelinaynaa aragtida Qaramada Midoobey ee ah in aqoonsigu, ay tahay in uu ka soo bilawdo dawladaha gobolka, laakiin Midowga Afrika sannado badan ayaa uu ku guuldarraysanayey in uu dhaqangeliyo warbixintii uu isagu ka diyaariyey Somaliland ee ku talinaysay aqoonsiga” ayaa ay tidhi, xildhibaan Judith Woodman oo hoggaamisa xildhibaannada xisbiga Liberal Democrat ka ugu jira golaha deegaanka ee Cardiff, isla markaana ka mid ahayd xildibaannada hormuudka ka ahaa mooshinkan goluhu ansixiyey.
Xildhibaan Judith Woodmen oo la hadashay shabakadda Wales Online waxa ay baaq Somaliland aqoonsi ah u dirtay dawladda Wales oo ka mid ah afarta dal ee ay ka kooban tahay Boqortooyada midowday ee Ingiriiska, dawladda Ingiriiska iyo dalalka Barwaaqo sooranka oo ay boqoradda Ingiriisku madax u tahay badankooda, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Waxa aanu ugu baaqaynaa dawladaha Ingiriiska iyo Welsh in ay Somaliland u aqoonsadaan dawlad leh qarannimo, isla markaana ay si buuxda u qiraan xidhiidhada saaxiibtinimo ee ay la leeyihiin Somaliland” Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay, shabakadda Wales Online ayaa soo baxay saacado yar kadib markii golaha deegaanka Cardiff oo caasimad u ah gobalka Wales ay ansixiyaan mooshin loo soo gudbiyey oo ahaa in Somaliland ay u aqoonsadaan Jamhuuriyad madaxbannaan. Waxa aanay noqonaysaa markii labaad ee magaalo muhiim ah oo ku taalla Ingiriisku ay aqoonsato qadiyadda madax bannaanida Somaliland.
Degelka Wales Online waxa uu sheegay in mooshinkani uu golaha ka helay 45 cod, laakiin dhinaca kalana ay jireen xubno ka tirsan xildhibaannada madaxa bannaan oo iyagu xilligii codaynta golaha dibadda uga baxay, iyaga oo ku doodaya in aanay haynin macluumaad ku filan oo ay arrintan ku taageeraan.
Dad aad u tiro badan oo ah jaaliyadda Somaliland ee gobolka Wales iyo meelo kale oo Ingiriiska ka mid ahba ayaa isugu yimid golaha hortiisa oo intii aanu fadhigu bilaaban ay ka wadeen dabbaal degyo, markii codka ansixintu dhacayna ku soo dhoweeyey mashxarad iyo damaashaad. Mooshinkan waxaa soo jeediyey Lynda Thorne oo ah xildhibaan iyadu ka tirsan xisbiga Labour ka, waxa aanay golaheeda ugu baaqday in ay wakiil ka noqdaan danta ay leedahay jaaliyadda magaalada Cardiff ku tirada badan ee reer Somaliland, si loo gaadhsiiyo dawladaha Ingiriiska iyo Wales iyo weliba dalalka ku bahoobay ururka Barwaaqo-sooranka.
Dhinaca kalana xildhibaan Judith Woodman waxa ay sharraxday sababta ay tahay in goluhu u aqoonsado Somaliland isla markaana ugu doodo, “Muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah, ayaa ka calool xun aqoonsi la’aanta caalamiga ah ee Somaliland, waxa aanay golaha deegaanka Cardiff ka codsanayaan in kaalintiisa rayidnimo, maadaama oo uu metelo caasimaddii gobolka Wales iyo isaga oo goluhu gudanaya waajibaadka uu farayo Xeerka sinnaantu iyo sidoo kale isaga oo muujinaya saaxiibtinimada uu goluhu u hayo jaaliyaddan reer Cardiff, in uu wakiil uga noqdo in tabashadoodu gaadho dalalka Barwaaqo-sooranka, iyo dawladaha Ingiriiska iyo Wales” ayaa ay tidhi xildhibaan Judith Woodman, iyada oo intaas ku sii dartay, “Sidaa awgeed golahani waxa uu qaraar ku gaadhay in uu ansixiyo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, oo si nabdoon u shaqaysa, muddo ku dhow 25 sano oo ay jamhuuriyad madax bannaan ahaydna qabatay doorashooyin dimuqraaddi ah”
Jaaliyadda reer Somaliland waxa ay gobolkan Wales ku noolaayeen tan iyo sannadkii 1850kii, waxa aanay kaalin mug leh ka ciyaaraan nolosha magaalada Cardiff.