Xayiraada Saaran Wargeyska Haatuf Oo Maanta Laba Jirsatay

0
547

Hargeysa(Geeska)-Xayiraada saaran wargeyska Haatuf, ayaa maanta laba jirsatay, waxaana maanta magaalada Hargeysa lagu qabanayaa munaasibad lagaga hadlayo xayiraadda saaran warbaahintaas.

1

Wargeyska Haatuf, ayaa waxa xayirtay maxkamadda Hargeysa, ka dib markii ay dacwad ku oogeen qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo qoyska Madaxweyne Siilaanyo xubin ka tirsan, ka dib markii uu wargeysku baahiyay warbixino tiro badan oo uu kaga hadlay musuqmaasuq iyo arrimo kale.

Munaasibada maanta lagu xusayo xayiraadda saaran wargeyska, ayaa waxa la filayaa inay ka qayb galaan qaar badan oo ka mid ah haldoorka Somaliland, kuwaas oo si adag la filayo inay uga hadlaan xayiraadda saaran wargeyskan. Sidoo kale guddoomiyaha Haatuf Media Network Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa isna la filayaa inuu khudbad ka jeediyo munaasibadaas.