Hargeysa (Geeska)- Wax cusub ma’aha in xayawaanku uu aadamaha ka gacansiiyo arrimaha noloshiisa, oo marka laga tago in uu cunto u noqdo, in uu sida oo kalana noqdo gaadiid ay dadku xamaamta iyo nafahoodaba ku raraan. Laakiin waxaa xiiso leh in taariikhda ay soo martay marar badan oo uu aadamuhu xayawaanka u adeegsaday arrin ka duwan kuwaas aynu soo xusnay oo ah in uu ka dhigto hub iyo ciidan difaaca.
Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay aynu ku eegno qisooyinka marar kala duwan oo uu aadamuhu xayawaan u adeegsaday ciidan ama hub ahaan oo uu cadow iskaga difaacay.
1. Shinnidii difaacday magaalada Danja
Sannadkii 1914-kii oo uu socday dagaalkii koowaad ee adduunka ayaa ay ciidamadii boqortooyada Ingiriisku weerar xooggan ku qaadeen magaalada Danja oo ku taalla xeebta badda Midhitereeniyaanka ee woqooyiga dalka Marooko. Dalka Ingiriiska oo quwad milateri ahaa ciidamada uu u soo diray magaaladan ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan dalka Marooko oo dhexeysa badda Medhitereeniyaanka iyo qaaradaha Afrika iyo Eeshiya waxa ay ahaayeen ciidamo aad u qalabaysan oo marka la eego sida ay uga xeelad iyo cudud badnaayeen ciidankii Jarmalka ee magaalada joogay, tiradooduna siddeed laab ka badnayd waxaa la filan karayey in ay dhaqso u jebiyaan, laakiin sidaas uma ay dhicin.
Ciidamadii Jarmalka ka joogay magaaladan oo tiradoodu 1100 ahayd ayaa si sahal ah u jebiyey ciidankii Ingiriiska oo tiradiisu ka badnayd 88 kun oo askari, sababtuna waxa ay ahayd shinni ay ciidanka Jarmalku xoojin ka dhigteen.
Dadkii asal ahaan deggenaa magaalada Danja waxa ay caan ku ahaayeen dhaqashada shinnida, oo ka faa’idaysigeeda ka sokow ay xilliyada dagaalkana ka dhigan jireen hub ay cadowgooda ku kiciyaan.
Markii weerarkii Ingiriiska oo ciidamo badan oo Hindiya watay bilowday, ayaa qaacii iyo hubkii la isu adeegsanayey ay kiciyeen shinnidii oo aad u badnayd waxa aanay bilowday in ay qaniinto ciidamadii labada dhinac ee iska soo horjeeday. Laakiin waxa uu nasiibku keenay in shinnidii u kacdo dhinacii ciidanka Ingiriiska oo aad u tiro badnaa, sidaa awgeed khasaaraha ugu badan waxa uu gaadhay ciidamadii Ingiriiska, in kasta oo dhinaca kale laftiisa uu khasaare badani jiray.
Dagaalkan oo taariikhda ku galay magaca ah dagaalkii ‘Shinnida’ waxaa ku jabay ciidamadii duullaanka ahaa, laakiin haddana waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa dagaal ay guusha runta ahi raacday dadkii deegaanka oo labadii quwadood ee isku dul haystay si midkood u gumaysto tusay in ay leeyihiin quwad dadban.