Xawaaladda Kaah Oo U Digarogatay Islamic Microfinance

0
624

Picture4Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si rasmiya u furey Mashruuc  Xawaalada KAAH iyo qaar ka mid ah Hay’addaha Caalamiga ah ee dalka ku sugani iska kaashadeen, iyada oo Mashruucani yahay mid Ganacstada yaryar ee dalka ka ganacsada Lacag ay ku kobicyaan ganacsigooda lagu aamihinayey, iyada oo Lacagta la amaahinayana ay Diinta Islaamka waafaqsan tahay.

Bandhiga Mashruucan uu Madaxweyne ku xigeenku furey ayaa waxa uu ka dhacay Mansoor Hotel, waxaana ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirka Duulista Hawada, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Qorsheynta, Maamulaha Xaawalada Kaah, Madax ka socota Hay’addaha Caalamiga ah ee Mashruucan la waday Xawaalada KAAH iyo qaar ka mid ah Ganacstadii lacagta la amaahiyey oo halkaas ku soo bandhigay waxyaabihii kala duwanaa ee ay galiyeen Lacagta la amaahiyey.

Munaasibadii lagu soo bandhigay Mashruucan oo si balaadhan loo soo agaasmimay ayaa waxa ugu horeyn furey oo hadal ka soo jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland   Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka waramaya Mashruucani qiimaha uu u leeyahay Dadka iyo Dalkaba, waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay Mashruucan la soo bandhiay ee KIMS, ee dadkii dan yarta ahaa ee aan u helayn Waddo ay wax u maraan in la caawiya, iyada oo Haweenkeenu Bacadka ay Maanta joogaan,iyagoo u adeega soona saara Nolol Maalmeedka Qoysaskeena, in Maanta loo helo dhaqaale, kor loogu soo qaadayo, oo la wareejiyo aad iyo aad ayey runtii farxad noogu tahay, madaama danyartii Somaliland loo helay qaab lagu caawiyo, maadama Wadanka Baanan hore u jiri jirin iyo meelo badan oo ay wax ka helaan, balse inay Maanta helaan Lacag amaah oo ah oo la wareejiyo oo Qoysba Qoys uga faa’iideeysto, runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqaya Hay’adda hawshaas Maanta bilaabaysa iyo Inamanka ilaa Mareykan uga yimid, inay ina caawiyaan ama inaga taageeraan, sidoo kor loogu soo qaadi lahaa nolosha dadkeena baahan, ee hoos u taala”.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu intaas ku daray “Waxaan halkan isku taagay muhiimada uu leeyahay  Mashruucan iyo Mashaariic fara badan oo la mid ah, oo socda, oo nolosha dadka kor loogu soo qaadayo, si wax looga badalo dhaqaalaha aadka u hooseeya, ee ay Umaddu Maanta ku jirto, waxaana aad iyo aad idinku hambaliyeynaya in aad looga faa’iideeysto muddada yare ee ay hawshani socoto, waana uu inoo furan yahay Mashruucii, waana inaad ku kala faa’iideeystaan, sidii ay hawshaasi u socon lahayd”.

Maamulaha Xawaalada KAAH Xasan Cabdi Cawad oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa  ka warbixiyey, qiimaha uu Bulshada u leeyahay Mashruucan iyo doorka uu ka qaadanayo Ganacsiga dalka, isaga oo xusay in Mashruucani waafaqsan yahay Diinta Islaamka oo aanay ku jirin wax Ribo ah ama dulsaar ahi waxaanu waxaanu sheegay in Mashruucan ay ugu talageen inay ka faa’iideeystaan Dumarka iyo Dhalinyarada reer Somaliland, waxaanu  yidhi “Safar dheer ayaa loo soo galay inay hawshani halkan soo gaadho, Umaddeena reer Somaliland waxyaabaha aynu ognahay Boqolkiiba Todobaatan  (70%), in ka badan Bulshadeena waa Dhalinyaro, sidoo kale Warbixina la diyaariyey Kaah, ARC iyo Silatech, waxa ay tilmaamayaan in Boqolkiiba Todobaatan dadkeenu aanay helin dhaqaalihii ay u baahdaan, si ay danahooda u qabsadaan, anaga oo ka duulaya baahida ayaanu abaabulnay in aanu sameeyno dariiqad dadka lacagta lagu gaadhsiiyo, oo lacagtu inagu dhex wareegto, haddii aan baahida lala dagaalamin horumarka lagama gaadhayo, haddii aan dadka danyarta ah la caawin horumar lama gaadhayo, anaga oo arintaas ka duulayna Muddane Madaxweyne ku xigeen ayaanu sameeynay KIMS, oo  loogu talagalay in dadka danyarta ah wax amaahiso, gaar ahaan Dumarka iyo Dhalinyarada, bariyahan dambana sida aad la socotaan cida Qoyska masruufta waxa ay noqdeen Dumarka, waxaana mahadnaq guud u naqaya cid walba oo naga soo caawisay arintan, waxaana u mahadnaqaya Hay’adaha hawshan FAO,AESF, World Bank, ARC iyo Silatech, waxaana leeyahay safarkii imika ayuu bilaamay ee gacmaha aynu is qabsano si aynu dadkeena faqriga uga saarno”.

Guddoomyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shurgi oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Haddii aan ahay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland aad iyo aad ayaan u soo dhaweeynaya Mashruucan, oo faa’iido aad u balaadhan u leh Ganacstada danyarta ah, iyada oo Ganacstada hoose ee dalkeena ay aad u badan yihiin, balse waxa haboon in Lacagtan Amaahda ah ee la bixiyey la barbar wado wacyigelin ku saabsan sidii looga faa’iideeysan lahaa oo Ganacstadii Lacagta la amaahiyey si aanay isku dhigan”.

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdilaahi Xasan oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Mashruucani uu waxtar u leeyahay bulshada, waxaanu balanqaaday in wixii khibrad ah ama talo ee ay Xaawalada Kaah uga baahato Baanka Dhexe inay ka caawin doonaan, waxaanu yidhi “Haddii aanu nahay Baanka Dhexe ee Somaliland,, aad iyo aad ayaan u soo dhaweeynaynaa Mashruucan oo wax badan ka tari doono Bulshada, waana Mashruuc runtii aan aad uga mahadnaqaya Shirkada Kaah iyo Hay’addaha la fuliyey, Anagu haddii aanu nahay Baanka Dhexe waxa wixii talo ah ee aad nooga baahantan waanu idiin siin doona, waxna waanu idinla qaban”. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa tilmaamay in Xukuumad ahaan soo dhaweeynaya Mashruucan, waxaanu u mahadnaq Xawaalada Kaah iyo Hay’addaha fuliyey Mashruucan, waxaanu sheegay in Mashruucani qeyb libaax leh ka qaadan doono Ganacsiga dadka iyo Cashuurtaba.

Justin Sykes oo ah Madaxa oo ah ka mid ah Saraakiisha sarsare ee Silatech iyo Daniel oo isna ka tirsan Madaxda Hay’adda ARC oo iyana halkaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey qiimaha uu Mashruucani u leeyahay Bulshada iyo Ganacstada kala duwan ee Somaliland, gaar ahaan Haweenka iyo Dhalinyarada, oo ay sheegeen inay yihiin dadka ugu muhiimsan uguna badan Bulshada, waxayna  ku dhiirigeliyeen in dadka la amaahiyey Lacagta inay sida ugu haboon ugu ganacsadaan.

Waxaana Munaasibadaas lagu soo bandhay Film Documartry  oo laga soo duubay dadkii iyaga la amaahiyey Lacagta oo si wanaagsan ugu ganacstaday. 

Ugu dambeyntiina waxa Munaasibadaas soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Sacad Cali Shire, waxaanu ka warbixiyey Ganacsiga Somaliland, isaga oo sidoo kalena sheegay in dadka reer Somaliland yihiin 70% dad aan haysan Ganacsi ama wax ay ku mashquulaan ama nolol maalmeedkooda ka soo saaraan.