“Xasan Sheekhoow Waxaad Muujisay Inaan Tahay Ninka Dabka Ka Shidaya Sool Iyo Sanaag Ee Khaatumo Wada”

0
667

Picture4Hargeysa (Geeska)-Gudoomiyaha Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Doraad Madaxweynaha Somaliya

Xasan Sheekh, ayaa  sheegay in aanay Somaliland iyo Somaliya, aanay kala go’i karin, isla markaana wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u dhexeeya ay yihiin sidii labad dal u midoobi lahaa, laakiin Muuse Biixi ayaa  sheegay in Umadda reer Somaliland aanay dib ula midoobi dooni Somaliya, oo 97%, ay u codeeyeen in aanay ku laaban Somaliya.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo shalay ka hadlaly Munaasibad ay ku soo dhaweeynayeen Masuuliyiin iyo Taageerayaal ku soo biiray ayaa waxa uu sheegay in Xasan Sheekh uu isagu ka dambeeyo Khaatumo iyo inuu dab ka hurinayo Somaliland, waxa kale oo uu xusay in in Xasan Sheekh ka hor yimid Xeerka Afrika ku dhisan tahay ee ah Xuduudahii Gumaysigu dhigay maadaama uu yidhi Somaliland iyo Somaliya inay ku kala go’aan Xuduudkii Talyaaniga iyo Ingiriisku caqli maaha, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Warbaahinta waxa Shalay (Doraad), ka hadlay Nin la yidhaahdo Xasan Sheekh, oo Madaxweynaha Muqdisho ah, Xasan waxa uu yidhi Somaliya ma kala go’i karaan 18 gobol, Somalilandna wada hadal ayaanu la wadnaa, wada hadalkaasina waxa aanu ku wadnaa in midnimadii jirayso, Xasan waxa aan ugu jawaabaya, Xasanoow hadalkii wuu ka khaldoomay, waanu ka qaloocsamay, oo war mooge ayaad tahay”.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isaga oo hadalkiisa sii wat ayaa waxa uu yidhi “Umaddan wixii gaadhay,halkaynu ku kala tagnay iyo halkaynu ku kala quusanay oo aad Goob joog ka ahayd iyo sida aad u hadashay adigoo waliba qoslaya waa laba kala fog ee Soomaali isku imanaysaa ma jirto ee ha ku riyoonin, war moogaad tahaye”.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xasan Sheekh Wuxuu yidhi Sool iyo Sanaag kama tirsana Somaliland, waxaad muujisay Xasan Sheekhow inaad tahay Ninka Dabka ka shidaya Sool iyo Sanaag. Ninka Khaatumo dabada ka wada, Ninka Somaliland dagaalka kuwada ayaad tahay oo aad caddaysatay waana godob kuu taala oo jawaabteeda aad helayso, Umadda reer Somaliland 97%, waa ay u codeeyeen in aanay Somaliya ka mid noqon doonin”