Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo habeen hore hadal ka jeediyay xaflad ay dawladiisu ku xustay maalintii ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay dawladda Ingiriiska 26 June 1960, ayaa wuxuu ka hadlay mawqifka dawladiisa ee ku waajahan Somaliland.
Xasan Sheekh oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa wuxuu sheegay in mawqifka dawladiisa ee Somaliland ku waajahani yahay mid walaaltinimo ku dhisan. “Mawqifka Dowladda Somaliya ee ku Wajahan Somaliland waa mid Soomaalinimo iyo Walaalnimo ku dhisan. Waan ugu hambalyeynayaa nabadda ay sameysteen. Ma dooneyno inaan colaad iyo dagaal ka hurino, ma dooneyno inaan dacaayad ka fidino,” ayuu yidhi Xasan Sheekh, isagoo intaas raaciyay “Bbalse waxaan dooneynaa inaan la shaqeyno, wixii tabasho ah oo dhexdooda ka jirana aan la xalino, kadibna aan wadajir u wajahno baahida aan wada qabno ee ah Soomaaliya mideysan oo horumarsan’’. Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay in mudadii lagu jiray midowgii Somaliland iyo Somaliya ay dhaceen khaladaad badani “Ma dafiri karno waxa dhacay, waxaana wada qirsanahay in dhibaatooyinka shacabka loo geystey ay ahaayeen kuwo fool xun. Waxaa loo baahan yahay in dhibaatooyinkaasi la iska daweeyo oo la helo xal lagu wada noolaan karo. Waa dhab in xusuus murugo leh ay nagu reebeen dhibaatooyinkaasi dhacay, hadana si aan horey ugu dhaqaaqno waa inaan is cafinaa oo aan dib nabad iyo caddaalad ugu wada noolaanaa.”