Xasan Sheekh Oo Ciidamada Kenya Ee Kismaayo Jooga Ku Eedeeyay Inaanay Si Fiican Ula Dhaqmin Wefti Uu Hakaas U Diray

1
732

Picture5Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha dalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ciidamada Kenya ee AMISOM hoostagga ee jooga magaalada Kismaayo, ku eedeeyay inaanay si wanaagsan ula macaamilin wefti ay xukuumadiisu u dirtay jiiddaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa khudbad uu ka jeediyay kulankii ay madaxda IGAD ku yeesheen Addis Ababa 24 May, wuxuu ku sheegay inay dawladiisu doonayso inay si macquul ah ku xaliso khilaafka ka taagan Kismaayo ee ka dhashay Madaxweynaha loo doortay Jubaland oo ah Axmed Madoobe. “Waxaanu 15 May u dirnay Kismaayo guddi ka tirsan golaha xukuumadda iyo Baarlamaanka si ay wada xaajood ula galaan dadka deegaanka. Hase yeeshe ciidamada AMISOM [ciidamada Kenya] ee halkaas joogaa si wanaagsan ulamay macaamilin guddigii.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh, oo ka tirsan Baarlamaanka uu Xasan Sheekh Maxamuud u diray Kismaayo, ayaa isna ciidamada AMISOM ee Kenyanka ah ku eedeeyay inay diideen inay ammaankooda sugaan. “Ciidamada Kenya-AMISOM ee kismaayo joogaa waxay noo sheegeen inaanay amnigayaga damaanad qaadi karin. Tani waxay ka hor imanaysaa waajibaadka AMISOM oo ah inay la dagaalanaan argagixisada iyo inay ilaaliyaan hay’adaha dawladda federaalka ah.”

Si kastaba ha ahaate, dawladda Kenya ayaa la aaminsanyahay inay si cad u taageerayso Madaxweynaha loo doortay Jubaland oo ah Axmed Maxamed (Axmed madoobe), waxaana Kismaayo jooga ciidamo Kenyan ah oo hoostagga kuwa AMISOM.

Comments are closed.